4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Horraanta bisha soo socota hortagaya Golaha Baarlamaanka Somalia si su’aalo loo weydiiyo

Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh maxamuud ayaa lagu wadaa inuu horraanta bisha May ee soo socota hortago baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa xildhibaannada baarlamaanka ku wargeliyay maanta guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) kaddib markiii uu baaqday kulan baarlamaanku uu uga hadli lahaa heshiiskii iskaashi ee ay dhawaan dalka Turkiga ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu horimaanayaan baarlamaanka bisha soo socota labadeeda,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo la hadlayay xildhibaannadii soo xaadiray kulankii maanta, isagoo sidoo kale ku wargeliyay inuu baaqday kulan ay maanta lahaayeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka ma uusan sheegin in madaxweynaha ay xubno baarlamaanka ka tirsan mooshin ka keeneen sidaasna uu baarlamaanku ugu yeeray iyo in kale, balse wuxuu sheegay inuu baarlamaanka horimaanayo oo keliya.

Prof. Jawaari ayaa ku sheegay baaqashada kulankii looga hadli lahaa heshiiskii ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo xildhibaannadii kulankaas ka qaybgalay ay kulan dheer yeesheen, sidaa daraadeedna aysan ka hadlin karin xilligaan kaddib heshiiskaas.

Wuxuu sheegay in maalinta berri ah laga hadli doono heshiiskaas iyo qodobbo kale oo muhiim ah, waxaana baarlamaanka Soomaaliya uu maalmihii lasoo dhaafay lahaa kulammo uu su’aalo ku weydiinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa.

Tani waxay noqonaysaa markii uug horreysay oo madaxweynaha uu su’aalo ku saabsan howlaha dowladda uga jawaabo xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in xildhibaannadu ay yihiin kuwii soo doortay madaxweynaha bishii September ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya