4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
SIILAANYO “Dadkeygu waxay Aaminsan yihiin in la gaaray waqtigii ay beesha caalamku aqoonsan lahayd Somaliland” (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyey machadka lagu gorfeeyo siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee loo yaqaan Atlantic Council ee ku yaalla magaaladda Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa markii uu khadbadda dhameeyey la waydiiyey su’aalo badan oo ku saabsan arrimaha Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, kuwaas oo intoodda badan madaxweynuhu ka jawaabay qaar kalana uu u wakiishay wasiirkiisa arrimaha dibadda Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar.

“Somaliland waxay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii, waxaanay shan maalmood ka dib la midowday Soomaaliya, iyadoo xiligaasi raadinaysay shantii Soomaaliyeed. Dawladii cusbayd ee Soomaaliya waxay bilowday in mansabadii sar-sare ee jaan-goynta hogaaminta ka maanacday dadkii reer Somaliland”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

“Somaliland waxay abuurtay xasilooni, dawlad shaqaynaysa iyo qaran dimuqraadi ah. Waxaanu qabsanay afar doorasho oo madax-banaan. Bilo ka hor waxa aanu qabanay doorashadii Goleyaasha deegaanka oo muddo toban sanadood ah muddo dhaafay. Illaa 400 oo murashax ayaa u tartamay Boqol iyo dheeraad kursi oo goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka dalka,”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey wixii u qabsoomay tan iyo markii ay ka go’een soomaaliya.

Madaxweyne Axmed waxa uu tilmaamay in xukuumadiisu ay horusocod ka samaysay wada xaajoodyo ay la yeelatay maleeshiyooyin ka jiray deegaanka Buuhoodle, taasi oo dhabada u xaadhay in la sii daayo illaa 200 oo maxbuus oo lagu soo qabtay dagaalo dhex maray ciidammada Somaliland iyo maleeshiyooyin hubaysan, ka dibna ay goboladdaasi Bariga Somaliland oo uu sheegay inay dib u dhaceen ka bilaabeen Mashaariic ay xukuumaddu bixisay oo ku kacaya laba milyan oo doolar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in boqolaal budhcad badeed ah ay ku xidhan yihiin Somaliland, isla markaana ay kala shaqeeyaan badda Yurub iyo Maraykankaba.

“Dadkayagu waxa uu Aaminsan yahay in la gaadhay xiligii beesha caalamku aqoonsan lahayd Somaliland. Ictiraafka Somaliland waxa uu door fir-fircoon ka qaadan karaa mustaqbal wanaagsan oo ka tis-qaada Geeska Afrika,”ayuu intaas raaciyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay xaga maalgashiga oo uu sheegay inay Somaliland tahay meel ay maalgashan karaan shirkadaha caalamiga ah, waxaanu tilmaamay inay  dalka ay ka hirgalen warshaddo wax soo saar sida shirkadda sharaabka ee Coca-cola oo malaayiin doolar galisay.

Madaxweynuhu waxa kale oo sheegay inay wada hadal u bilaabmay Somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo ka wada hadlaya sidii ay u noqon lahaayeen laba dal oo walaalo ah, isla markana meel fiican u marayso wada hadalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu Maraykanka ka codsaday inay saaxiibadeeda geeska afrika iyo midowga afrikaba kala caawiso sidii ay Somaliland goobjooge uga noqon lahayd urur goboleedka IGAD iyo midowga Afrikaba, isla markaana Somaliland wax badan ka caawin karto mandaqadda geeska afrika iyo dunidaba.

“Maanta dadka Somaliland uun baa go’aan ka gaadhi kara mustaqbalkooda, laakiin go’aan kama gaadhi karaan Soomaaliya iyo beesha caalamkuba,, aqoonsi dublamaasiyadeed oo ay Somaliland hesho wuxuu Somaliland u horseedi karaa inay door fiirfircoon ka qaadato deganaanshaha iyo nabadgalyada geeska afrika, taas oo ku dhisan khibrad dheer oo aanu ka dhaxalnay inaanu dalkayaga ka badbaadino dhibaatada geeska afrika ku habsatay”ayuu madaxweynuhu raaciyey hadalkiisa, waxaanu intaasi ku daray “waxaanu dalka ka bilownay meel hoose, waxaana xoriyadayada ku difaacaynaa qiimo  kasta oo ay ku kacayso sababtoo ah waxay nagu joogta qiimo weyn, oo u dhiganta ta ay xoriyaddu ku joogto Maraykanka”

Sidoo kale madaxweynaha waxa la waydiiyey xuquuqda haweenka, sababta dib loogu dhigay doorashadii baarlamaanka iyo, sababta idaacado madax banaan loo diidan yahay.

Haseyeeshee su’aalaha qaar oo uu ka jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Dr: Cumar ayaa sheegay sababta dib loogu dhigay doorashada ay tahay in wakhti u helaan sidii xaga horumar loogu shaqayn lahaa, maadaama oo imika laga soo baxay doorashadii golaha deegaanka, isla markaana ay mar wada dhici doonaan doorashada baarlamaanka iyo ta madaxtooyada, sidoo kale waxa uu xaga idaacada iskaga riixay in sharcigii lagu hagi lahaa hor yaallo baarlamaanka, xaga arrimaha haweenkana wuxuu tilmaamay in dhaqanka Soomalidu uu u saamixi waayey inay dumarku soo baxaan, isla markana baarlamaanka laga sugayo sidii xal loogu heli lahaa, inkastoo uu xusay inay xukuumadiisa iyo baarlamaankaba ay ku jiraan haween.

Ka hor inta aanu madaxweynuhu khudbadda soo jeedin waxa warbixin ku saabsan Somaliland ka hor akhriyey machadka, agaasimaha Afrika u qaabilsan golaha Atlantic Council Dr: J. Peter Pham, waxaanu ka warbixiyey wakhtigii Somaliland Ingiriiska madax banaanideeda ka qaadatay, midowgii Soomaaliya la gashay iyo dib ula soo noqoshadii Somaliland.

Wax kale oo uu tilmaamay waxyaalihii madaxwaynaha u suurtogashay intii uu xilka hayey oo uu sheegay inuu dib u furay ururadii siyaasadda, doorashadi golaha deegaanka, kor u qaadidii miisaaniyadda,, wada hadalka soomaaliya u socda, dugsiyo waxbarasho oo ay soo kordhiyeen iyo darajo siinta ciidamadda kala duwan ee Somaliland, waxaanu madaxweynaha usoo jeediyey in marka uu la kulmayo madaxda Baarlamaaka Maraykanka sida ay kugu suurtogahay inay kor u qaaddo miisaaniyadda, maadaama oo hoos u dhigay tacriifadda cashuuraha laga qaadi jiray uga waramo.

Khudbadan uu madaxweynuhu ka jeediyey golaha Atlantic council ayaa xalay dadweynaha Somaliland si toos u daawanayeen iyagoo kala socday barta internetka ee xaruntan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland