4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Ardaydii ka Qalinjabisay Jaamacadda Muqdisho oo loo sameeyay Naadi ay ku Mideysan yihiin Meel walba oo ay joogaan (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Ardaydii ka qalinjabisay jaamacadda Muqdisho ayaa loo sameeyay naadi ay ku mideysan yihiin, si ay isaga warqabaan meel walba oo dunida ka joogaan, iskuna dhaafsadaan fikradaha ku saabsan dhinaca waxbarshada iyo horumarinta aqoonta Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta, macallimiinta iyo ardayda dhigta jaamacadda oo uu hormuud u yahay Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ah guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiir ku xigeenka arrimaha gudah aiyo amniga Qaranka, marti-sharaf la casuumay iyo xubno dalka Masar.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaamacadda Muqdisho, isagoo sheegay in sameynta naadigan uu yahay riyo ay ku riyoonayeen dhammaan inta ka qalin-jabisay jaamacadda Muqdisho.

“Naadigan waxaa xubin ka noqon kara marka laga reebo ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda qof walba oo cilmiga baac ku leh ama ka gaaray meel wanaagsan ama macallin bulshada dhexdeeda ixtiraam ku leh,” ayuu yiri Dr. Liibaan.

Mar uu ka hadlayay ardayda ka qalin-jabisay jaamacadda Muqdisho ayuu tiradooda ku sheegay 3275 arday oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo ahaa 12-dufcadood oo culuun kala duwan bartay.

“Ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda Muqdisho waxay bulshada Soomaaliyeed u yihiin udub dhexaad, waxayna qayb ka yihiin hormuudka bulshada maanta. Waxaan ku kalsoonnahay inay yihiin ardayda Jaamacadda Muqdisho ka qali-jabisay kuwo tayo leh,” ayuu hadalkiisa raaciyay.


Dr. C/shakuur Sheekh Xasan Fiqi oo ka mid ahaa lixdii macallin ee ugu horreysay ee ka billaabay jaamacadda Muqdisho bixinta duruusta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko ardaydiisii oo maanta sita darajooyinka Master iyo PHD, bulshada Soomaaliyeedna u ah hormuud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadda Muqdisho ay tahay rajadii ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena ay sidato magaca iyo astaanta Muqdisho.

“Markii ugu horreysay oo guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ay ku dhawaaqeen furitaanka Jaamacadda Muqdisho dadku way la yaabanaayeen, maantana ardayda ka qalin-jabisay jaamacadda waxay ummadda Soomaaliyeed u noqdeen isha keliya ee u bidhaamaysan Soomaali oo dhan,” ayuu yiri Tarsan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo xafladda ka hadlay ayaa si dareen leh u yiri: “Maanta waxay ii tahay dhalasho cusub, farxadda aan faraxsanahay awgeed.” Isagoo orod rucleyn ah ku maray hoolka ay munaasabaddu ka socotay, taasoo uu ku muujinayay farxaddiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay in ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda Muqdisho ay maanta haystaan shahaadadada ugu sarreysa ee la qaato oo ah PHD. Qaarkoodna ay barayaal ka yihiin jaamacadda, meel kasta oo dunida ka mid ahna in shahaadada jaamacadda Muqdisho laga aqoonsan yahay lana tixgeliyo,” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

Dhanka kale, Dr. Cali Sheekh Axmed wuxuu goobta kaga dhawaaqay in laba kulliyadoo lagu soo daray jaamacadda Muqdisho, kuwaasoo kala ah: kulliyadda caafimaadka iyo kulliyadda Injineeriyadda.  Iyadoo xafladdu ay kusoo dhamaatay jawi farxadeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya