4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalalka Afrika weydiistay in laga taageero sidii looga gudbi lahaa caqabada Hortaagan Nabadda Somalia


Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa weydiistay madaxda dalalka Afrika inay dalkiisa ka caawiyaan dagaalka uu kula jiro burcadbadeedda, argagaxisida iyo dhibaatooyin kale oo caqabad ku ah in Soomaaliya ay deggenaasha hesho.

Xasan Sheekh ayaa codsigiisan u gudbiyay madaxda Afrika Sabtidii lasoo dhaafay kaddib markii uu dhammaaday shirkii looga hadlayay ammaanka Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in dhibaato weyn ay dalkiisa ku hayaan labadan kooxood.

“Caqabadaha hortaagan xasilloonida Soomaaliya ma ahan oo keliya kooxaha argagaxisada iyo burcadbadeedda ah, balse waxaa jira caqabado kale oo ay ka mid yihiin: suntan lagu shubo xeebaha Soomaaliya, kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in haddii aan laga hortegin waxyaabaha loo arko inay yihiin caqabad hortaagan nabad ka dhalata Soomaaliya imaanayso in dhibaatooyinka dalkan [Soomaaliya] ka jira ay ku baahaan Qaaradda iyo caalamka oo dhan.

“Dambiyadaas aan soo xusay oo dhan waa in la joojiyo. Dhibaatooyinkaas oo dhanna ma ahan kuwo dhibaato ku haya Soomaaliya oo keliya, balse waxay dhibaato ku hayaan Afrika iyo caalamka oo dhan, waana in si wadajir ah looga hortago,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii lasoo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh bishii September ee sannadkii hore wuxuu ku celcelinayay inuu wax ka qaban doono deggenaasho la’aanta Soomaaliya, isagoo sheegay in lixda tiir ee ay dowladdiisu ku shaqeynayso uu ugu horreeyo ammaanka.

Waddamada Afrika ayaa u soo diray Soomaaliya ciidammo loogu magac-daray AMISOM kuwaasoo loogu talogalay inay qayb ka qaataan howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, si dalka deggenaasho loogu soo celiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya