4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Howlgallo Baaritaanno ah kawada Degmada Wardhiigley

Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa saakay howgallo baaritaanno ah si wadajir ah uga wada xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley, halkaasoo la sheegay inay u dhuumanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howgalkan oo ah mid ballaaran ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo laga sameeyo xaafaddaas, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in aroortii hore ee saakay ay kusoo kaceen ciidammo fara badan oo dhooban gudaha xaafaddooda.

“Guri-guri ayaa loo baarayaa xaafadda, waa la diiday in dadku ay dibadda u soo baxaan, waxaana xaafadda dul-hee-haabaya diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Xamar-jadiid.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku baadi-goobayaan baaritaankan dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya xaafadda, isagoo sidoo kale xusay inay ku raadinayaan waxyaabaha qarxa.

Inkastoo AMSIOM aysan ka hadlin weli howgalkan ay qaybta ka qaadanayso hadana waxaa howgalkn midkii ugu ballaarnaa ee ciidamada AMISOM ay ka qaybqaataan, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli dowladdu ay sheegtay inay ka howlgelinayso Muqdisho ciidammo gaar ah.

“Baabuurta iyo dadka maraya jidka soddonka waa la baarayaa, inkastoo aan waxba lagu weydiinayay haddana si fiican ayaa laguu baarayaa. Ciidamadu waa kuwo aad u feejigan,” ayay tiri Raxmo Abuukar oo ka mid ah dadka la socday gaadiidka dadweynaha oo lagu baaray jidka Soddonka oo ay dacalka ku hayso xaafadda Xamar-jadiid.

Howlgalladan ayaa u muuqda kuwo lagu adkenayo ammaanka caasimadda, waxaana wararka ku saabsan howgalladan kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya