4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Boostada Soomaaliya iyo Boostada Imaaraadka oo kala Saxiixday Heshiis ku Aaddan Dib u Soo Celinta Adeeggii Boostada ee Soomaaliya (SAWIRO)


Madaxa Boostada Imaaraadka Carabta Fahad Eisa Al Hosani (Bidixda), Madaxa Hay'adda Boostada Adduunka Bishaar Xuseen (Dhexda) iyo Wasiirka WBI C/llaahi Ciilmooge Xersi, Bern, Switzerland


Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) - Wasaaradda war-faafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee dalka Soomaaliya ayaa heshiis ku aadan soo celinta adeeggii boostada ee Soomaaliya waxay la gashay Wasaaradda Boostada ee dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka war-faafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xirsi, halka dhinaca Imaaraadkana uu saxiixay Fahad Ciisa Al-xuseyni, oo isagu ah madaxa hay'adda boostada ee dalkaas.

Heshiiskaan ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Bern ee dalka Swiiisarland xaruunta Boostada Adduunka. Waxaanaa halkaas goobjoog ka ahaa madaxa Boostada Adduunka Bishaar Xuseen oo horay madax uga ahaan jiray Boostada dalka Kenya.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay labada dhinac wada gaareenna waxaa kamid ah: In Dubai ay noqoto halka ay sii maraan boostooyinka Soomaaliya laga diro, loona soo marsiiyo; in hay'adda Boostooda ee Imaaraadku ay mas'uul ka noqon doonto qaadista boostooyinka Soomaaliya laga diro iyo kuwo loosoo diro; iyo in muddo 12-bilood ah kharashaadka dhanka maaliyadda ee dalalka kale ku baxaya ay dowladda Imaaraadku maareyso.

Ugu danbeyntii labada dhinac ayaa ku heshiiyey in si wada jir ah loo dhiso guddi madax banaan oo dabagal ku sameeya qodobada lagu heshiiyey iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo si dhaqso ah u dhaqan gala.

Boostada Soomaaliya ayaa shaqada ka maqneyd muddo 23 sano ka badan, waxaana ugu danbeysey markii ay burburtey dowladdii dhexe ee maamulkii Maxamed Siyaad Barre.

Soo celinta adeeggii Boostada ee Soomaaliya ayaa noqoneysa tallaabo ay si weyn shacabka Soomaaliyeed usoo dhoweeyaan, waxayna gacan ka geysan doontaa isku xirka Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo kuwa qurbe-joogta ah.


|Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya