4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Israsaaseyn sababtay inay Maanta Hakadaan Howlihii Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo ka dhacday Magaaladaas

Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Howlihii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa maanta hakad galay kaddib markii ay degmadaas saakay aroortii hore ka dhacday israsaaseyn u dhexeysay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka kala taliya Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Israsaaseynta saakay ayaa waxay timid kaddib markii shalay lagu dilay gudaha garoonkaas mas’uul ka tirsanaa maamulka Galmudug oo la sheegay inuu halkaas ka doontay qaad uga imaanayay magaalada Nairobi.

Goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in saakay garoonka oo ay maamusho Puntland riday rasaas xilli ay kasoo daganayay diyaarad Qaad ka keentay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, inkastoo aysan jirin waxyeello kasoo gaartay.

Rasaastaas ayaa waxaa ka jawaabay ilaalada garoonka oo dhowr gantaal ku tuuray Koonfurta Gaalkacyo, gaar ahaan goobihii ay ku tuhmayeen in laga soo riday rasaasta.

Ma jirto cid wax ku noqotay rasaasta labada dhinac, waxaase ay sababtay in howlihii garoonka Gaalkacyo uu hakad ku yimaado, waxaana garoonkaas ka degi jiray diyaarado rakaab sida, iyadoo aysan jirin diyaarad maanta cago-dhigatay marka laga reebo diyaaraddii jaadka sidday ee saakay ka degtay.

Saraakiisha gobolka Mudug ee Puntlnad iyo Galmudug ayaan weli ka hadlin shaqaaqadaas sababtay inuu garoonku xirmo, sidoo kalena ma jiro hadal kasoo baxay mas’uuliyiinta sarsare ee labada maamul.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya u qaybsanayd laba dhinac oo ay ka kala taliyaan beelo halkaas horay ugu dagaalami jiray, kuwaasoo haatan kala taageersan maamullad Galmudug iyo Puntland.

Dhowr jeer oo hore ayaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo sannadkii hore loo bixiyay garoonka diyaaradaha Col. C/llaahi Yuusuf ayuu shaqaaqooyin dhexmaray Puntland iyo Galmudug ku ximay, inkastoo laga heshiiyay, balse lama oga halka ay arrintan ku dambeyn doonto maadaama aysan labada dhinac weli ka hadlin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya