4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo amar ku bixiyay in cadaaladda la horkeeno Kooxihii dilay Wariye Raage (SAWIRRADII AASKA)


Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku amaray hay’adaha ammaanka dalka inay sharciga horkeenaan kooxihii ka dambeeyay dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage oo shalay gellinkii dambe lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayuu ku yiri ra’iisul wasaaruhu in ciddii soo sheegta dableydii dishay Raage la siin doono abaal-marin lacageed.

Marxuumka oo maanta lagu aasay Muqdisho ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala Radio Muqidhso oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa wariyeyaashii dalka ka qaxay, basle dib ugu soo laabtay dhowr bilood ka hor markii uu dareemay inay kasoo raynayso xaaladda ammaan ee Muqdisho.

“Si qoto-dheer ayaan uga murugooday warka ku saabsan dilka wariye Raage oo ahaa mid ku fulaynimo ah oo ay geysteen kooxo gaangiistarro ah, waxaan tacsi kal iyo laab ah u dirayaa qoyskiisa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag, dilka wariye Raagena wuxuu nooga dhigan yahay maalin madow ama mugdi ah.”

Horraantii sannadkan ayuu ra’iisul waasaraha Soomaaliya sheegay in abaal-marin ahaan loo siinayo ciddii soo sheegta kooxo dilay wariyeyaal lacag dhan 50,000 oo doollarka Mareykanka ah.

“Si loosoo helo kooxihii dilka wariyaha ka dambeeyay, hay’adaha amnigu waa inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah, cidii lagu helo dambigaanna sharciga ayaa la horgeyn doonaa,” ayuu ra’iisul waasaraha Soomaaliya ku soo gabagabeeyay warsaxaafadeedkiisa.

Wariye Maxamed Ibraahim Raage ayaa wuxuu tirada wariyeyaasha la dilay sannadkan 2013 ka dhigayaa kii afarad, iyadoo laba ka mid ah wariyeyaashaas ay ku dhinteen qaraxyo Muqdisho ka dhacay, halka isaga iyo wariye kalena ay toogteen maalin cad kooxo hubeysan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya