4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Turkigu ballamo ayauu naga qaadeen; laakiinse wuu nooga baxay, xamar ayayna isku koobeen"


Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in mashaariicda ay dowladda Turkigu ugu deeqdo Soomaaliya ay yihiin kuwa ku kooban magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeedinayey munaasbad ay Puntland kula wareegeysey gaadiid boolis oo ay ugu deeqday dowladda Talyaanigu, ayaa tilmaamay in mashaariicda Turkiga Puntland aysan wax badani kasoo gaarin.

Dr. Faroole oo arintaas ka hadlayaa wuxuu yiri: “Turkiga oo dadka u dhexeyn lahaa hadda xamar buu ku bururay, Xamar buuna  goostay, anagana ballan bay noo qaadeen laakiin way nooga baxeen”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey in Puntland aysan ka xumeyn mashaariicda laga fuliyey Xamar, balse ay tallaabo wanaagsan u aragto, haseyeeshee hadda wixii ka danbeeya booska Turkiga uu Puntland ugeli doono dalka Talyaanigu.

Dhinaca kale, madaxweynaha Faroole ayaa ugu baaqay dowladda iyo dadka maal qabeenka ah ee Talyaaniga in ay Puntland maal gashtaan, gaar ahaan wax-soosaarka badda, maadaama Puntland ay leedahay xeeb dheer.

Dowladda Talyaaniga ayaa sanadkan mashaariic dhowr ah ka fulisey Puntland, waxaana mashaariicdaas ugu muhiimsan Iaadac iyo TV ku hadli doona afka xukuumadda Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya