4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Dowladda Talyaaniga oo Gaadiidka Booliska ugu deeqday Maamulka Puntland [SAWIRRO]


Axad, Abriil 21, 2013 (HOL)- Dowladda Talyaaniga ayaa maanta ku wareejisey maamulka Puntland gaadiid ah nooca ay Boolisku isticmaalaan, munaasabaddii gaadiidkan lagula kala wareegayey ayaa ka dhacday xarunta Idaacadda Dowladda Puntland, oo iyadana ay dowladda Talyaanigu ku deeqday, dhowaanna xarigga laga jaray.

 

Waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu sareysa Puntland sida madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo sidoo kale ay joogtey  Carlotta Wolf oo iyaduna ka socotey safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Faroole oo isagu si rasmi ah gaadiidkan ula wareegey ayaa u mahad celiyey dowladda Talyaaniga, islamarkaana sheegay in baabuurtan oo dhan 15 gaari ay wax weyn ka tari doonaan baahida dhanka ammaanka.

 

Waxa kale oo madaxweynaha Puntland uu sheegay in gawaaridani ay yihiin kuwo uu ku rakiban yahay qalab isgaarsiineed oo casri ah, qalabkaas oo sahlaya in laamaha ammaanku ay si fudud ku xiriiraan xilliyada ay howlgallada ku jiraaan.

 


“Baabuurtaan intooda badan waxaa la saari doonaa qalab isgaarsiineed iyagoo la shaqeyn doona saldhigyada booliska, si meesha wax ka dhacaan iyadoo howlgalka lagu jiro oo aan cid kale dhexda kaa dhegeysan Karin loo tago” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

 

Baabuurta ay maanta dowladda Talyaanigu ugu deeqday Puntland ayaa sidoo kale u sameysan qaab ah, in qalabka Elektaroonikada ee ku rakibani ay iskood u istaagaan, haddii  la xado amase ay galaan gacanta cid aan ciidamada booliska aheyn.

 

Dhinaca kale waxaa maanta si toos ah hawada u gashay Idaacadda Puntland oo qalabkeeda ay ku deeqday dowladda Talyaanigu, Idaacadan oo ku hadli doonta afka xukuumadda waxaa gudaha Puntland looga dhegeysan doonaa qaab FM ah halka dunida oo dhanna laga maqli karo hirka SW.

 

Dowladda Talyaaniga oo xiriir fiicani uu ka dhexeeyo Puntland, waxay horay ugu ballan qaaday mashaariic dhowr ah, kuwaasoo qaar kamid ah la dhameystirey, qaar kalena ay gabo gabo ku dhow yihiin.



 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya