4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Hooyo welwel ka muujisay wiilkeeda oo xukun la'aan xabsi ku jira, cuntadiina ka soomay

Axad, Abriil, 21, 2013 (HOL)- Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo ah wiil dhallinyaro ah oo muddo laba bilood ah Maxkamad la’aan ugu xidhan Xarunta C.I.D ee magaalada Hargeysa, ayaa Shalay gebi ahaanba joojiyay cuntadii iyo daawada lagula tacaalo Xanuunka Macaanka oo uu qabo, kadib markii Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Bileyska Somaliland ay ku fashilmeen inay eedaha uu u xidhan yahay Maxkamadda u gudbiyaan, isla markaana laba jeer oo Maxkamadda la horgeeyay ay hay’adaha gacanta ku hayaa Maxkamadda ka soo xalaalaysteen xukun rumaan ah inay ku sii hayaan.

 

Axmed Darmaan oo ka tirsan Kooxda Kubadda Koleyga ee Ciidanka Militari Somaliland, ayaa habeenimadii 18 bishii February 2013 xabsiga loo taxaabay, iyadoo aanay ilaa hadda hay’adda Sirdoonka oo xadhigiisa ka dambeeyay iyo ciidamada Baadhista Dambiyada ee Bileyska Somaliland oo gacanta ku hayaa, Maxkamadaha u gudbin dambiga loo haysto, isla markaana aanay eheladiisa u soo bandhigin dambiga ay u haystaan ee ay ku heleen.

 

Hooyo Mako Axmed Warsame oo ah hooyada dhashay Axmed Darmaan ayaa sheegtay in wiilkeeda oo muddo laba bilood ah dulmi loogu haysto xabsiga uu cuntadii ka soomay shalay duhurkii, isla markaana Qadadii iyo Cashadii loogu geeyay Xabsiga siddoodii looga soo celiyay.

 

Waxa kale oo ay Hooyo Mako oo ay murugo badan wejigeeda ka muuqato, ayaa sheegtay in tan iyo markii xabsiga loo taxaabay aan ilmaheeda indhaha ka qaadin oo ay Bileysku u diideen inay tusaan wiilkeeda, sidaas darteed aanay ka sheekayn Karin warna ka hayn xaalad uu haatan ku sugan yahay, iyadoo cuntada ay u geysana ay askarta uuni albaabka kaga qaadi jirtay, sidaas darteedna aanay ogeyn in cuntadaasi gaadho Wiilkeeda.

 

Haseyeeshee waxay Hooyo Mako sheegtay in xalay markii la soo celiyay weelkii cuntada ee Qadadii iyo cashaddiiba, ay aragtay cuntadii oo siddeedii ugu jirta, kadibna markii ay waraysatay dadkii cuntada u geeyay ay u sheegeen  inuu Axmed Darmaan diiday cuntaddii.

 

Axmed Darmaan ayaa ah bukaan-socod qaba xanuunka Macaanka, oo ah nooc halista ah, isla markaana maalintii laba jeer qaadan jiray dawada iraabka ah oo macaanka loogu qoray, kaas oo aanay suurto-gal ahayn inuu irbaddaas macaanka qaato maadaama oo uu cuntada joojiyay, sidaas darteed ay halis ku jirto xaaladiisa caaafimaad oo haddii ay sidaas ku sii jirto xaaladiisu khatar gelinayso naftiisa.

 

Ciidanka Baadhista Dambiyada ee Bileyska iyo Sirdoonka Qaranka oo la sheegay inay xadhigiisa ka dambeeyaan ayaan ilaa hadda wax dambi ah ku soo oogin Muwaadinkan, waxaanay markii ugu dambaysay oo ahayd bishan horraanteedii ay hay’adaha gacanta ku hayaa Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa ka soo korodhsadeen muddo 45 cisho ah oo ay rumaan ahaan ugu sii hayaan xabsiga, iyagoo ku andacooday inay weli waddaan baadhis ay sheegeen inay ku hayaan muwaadinkan.

 

Qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadamaha Somaliland ayaa marar hore cambaareeyay xadhiga muwaadinkan, isla markaana ku tilmaamay xad-gudub loo geysanayo muwaadin aanu caddayn dambi uu faraha kula jiray, waxaanay ugu baaqeen xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka inay Maxkamaddaha dalka horkeenaan si loogu qaado dambi ay sheegeen in loo haysto.

 

Qoyska Axmed Darmaan ayaa sidoo kale saq-dhexe guriga lagu weeraray, iyadoo tacadi farabadan loo geystay qoyskaas, isla markaana agabkii iyo gurigoodaba khasaare la soo gaadhsiiyay, ilaa haddana aanay ciidamada Bileyska iyo Sirdoonka fuliyay weerarkaasi aanay sheegin sababta keliftay weerarka gurigaas lagu qaaday iyo inay heleen wixii ay raadinayeen ee kelifay inay saq-dhexe dumar iyo caruur gurigooda hurudda si argagax leh ugu daataan.

 

Hiiraan Online