4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Ra'iisal wasaare Saacid oo sheegay in si wanaagsan loo maamulayo dhaqallaha dalka soo gala

Axad, Abriil, 21, 2013 (HOL) --  Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ka go'an tahay in ay si wanaagsan u maamusho dhaqaalaha soo gala  ee laga helo beesha caalamka.

 

Waxaa uu sheegay ra'iisal wasaaraha ay qorshayaal cad cad ka leeyihiin maamulka dhaqallaha laga helayo beesha calaamka, isagoo intaas ku daray in dowladda looga baahan yahay in ay si wanaagsan u maamusho deeqaha laga helo caalamka.

 

''Xukuumadda waxaa ka go'an isla xisaabtan la xiriira dhaqaalaha soo gala dowladda, waxaana halkan ka xaqiijinayaa in si cad oo loo fahmi karo sida dowladdu u maamuli doonto dhaqaalahaas,'' ayuu yiri ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in haddii dowladda federaalka ay si wanaagsa u maamusho dhaqaalaha soo gala dalka, in ay ka caawin doonto in ay beesha caalamka ku dhiirrato kordhinta deeqaha iyo kaalmada la siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Ra'iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa horay u sheegay in si siman loo wadaagi doono dhaqaallaha ay dowladdu ka hesho beesha calaamka, xilli maamul gobolleeyda dalka qaarkood ku eedeeyeen in dowladdu in ay isku koobtay kaalmada ay bixiso beesha caalamka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya