4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

Axad, Abriil , 21, 2013 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud iyo wafdi la socday ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya uga soo qeyb-galleen shir looga hadllayay amniga qaarada Africa.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xunbo ka tirsan labada golle oo ay ka mid ahaayeen oo ay ka mid ahaayeen ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Ra'iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd xubnihii la socday madaxweynaha, waxaa ay si kooban ula hadashay warbaahinta oo faah faahin ka siisay socdaalkoodii Itoobiya.

 

''Dalka Itoobiya waxaan uga soo qeyb-gallnay shir ay halkaa ku lahaayeen madaxda qaarada Africa oo looga hadllayay amniga qaarada, runtii maadama aynu nahay dal ka soo kabanaya colaado iyo dagaallo mudo dheer socday, waxaa uu ahaa shir aan ka soo faa'ideysanay, madaxweynahana qudbad ayuu ka jeediyay shirka,'' ayeey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

 

Shirka ku soo dhamaday magaalada Bahar Dar ayaa ahaa shir ka qeyb-galleen madax ka soctay qaarada Africa, waxaana qudbad ka jeediyay madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud oo ku dheeraaday amniga Qaarada iyo waliba sida ay muhiim u tahay in gacan la siiyo nabad-galyada dadaalada ay ugu jirto dowladda soo celinta nabada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.