4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Wasiirrka arrimaha gudaha oo su'aalo amniga la xiriira uga jawaabay baarlamaanka Soomaaliya

Axad, Abriil, 21, 2013 (HOL) --  Wasiirka wasaarradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guuleed oo maanta hortagay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa su'aalo la xiriira amniga uga jawaabay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
 

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay wasiirrka ilaa 10 su'aalo oo dhamaantood la xiriirtay nabad-galyada iyo amniga gudaha, iyadoo su'aalaha qaar ay u muuqdeen kuwo adag, waxaana ka mid ahaa waxa uu ka og-yahay maxaabiis gacanta ugu jira hay'adda nabad-sugida oo markii danbe meydadkooda laga hellayo qeybo ka mid ah degmooyinka gobollka Banaadir.

 

Wasiirrku waxaa uu sheegay in 12-kii bishii Maarso labo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ay gacanta ku hayeen hay'adda nabad-sugida u sheegeen ciidamada dowladda in ay og-yihiin macluumaad dheeraad ah oo la xiriira kooxda Al-shabaab iyo goobaha ay hubka ku qarsadaan, taasoo keentay ayuu yiri in ciidamo ka tirsan nabad-sugida u racaan raggaas goobta ay sheegeen in ay ku dhuumaaleysanayeen Al-shabaab.

 

''Nasiib darro waxaa ay isku dayeen in ay shirqoolaan ciidamada, waxaa halkaa ka bilaabatay is-rasaaseyn lagu dillay rag ka tirsan Al-shabaab oo ay ka mid ahaayeen labadii ruux ee ciidamada markii hore la soctay,'' ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in raggaas ay dilleen ciidamada nabad-sugida ahaayeen xubno sar sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo u qaabilsanaa kooxda sida uu sheegay arrimaha dilalka qorsheysan.

 

Wasiirrka ayaa dhinaca kale sheegay in marnaba dowladda raali ka aheyn dadka xabsiyada leysaga hayo iyadoo aan caalada la hor keenin, waxaana uu sheegay in in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono cid kasta oo xabsiga lagu hayo.

 

Sidoo kale, wasiirrka amniga ayaa waxa laga weydiiyay waxa ay wasaarradiisu kala socto shirkadaha ajnabiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho, waxaa uu sheegay in ay jirto hal shirkad oo kaliya oo u diiwaan gashay wasaarrada arrimaha gudaha, hasse ahaatee ay jiraan shirkado kale oo adeegyo kala duwan qabta, sida shirkado ka howlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa kale oo adeegyo kala duwan siiya ciidamada midowgga Africa AMISOM.

 

Mar uu soo hadal qaaday dhacdadii weerarkii xarunta maxkamada gobollka Banaadir ayuu sheegay in uusan aheyn fal xajimi ahaa u dhigma digniintii dowladda Britain ay bixisay, waxaana uu sheegay in ciidamda dowladda xoogga saareen soo yareynta khasaaraha, isaga oo intaa raaciyay in dad badan dhacadaas loo soo xir xiray lana baarayo.

 

Maalintii shalay ayeey aheyd markii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay weydiiyeen su'aalo la xiriira waxqabadka xukuumada ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

 

Wasiirrka amniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed ayaa nidaam dastuuri ah ku tilmaamay  la xisaabtanka baarlamanka, siweynna ugu qanacsan yahay su'aalaha la weydiiyay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.