4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Shir looga hadlay Amniga Gobolka Bay oo Baydhabo lagu qabtay

Axad, April 21, 2013—Maalmahan waxaa jirey ammaan darro ka taagan gobalka Baay , taasoo ay sameynayeen ciidammada dowladda , oo falal burcadnimo ah kula kacayay shacabka, waxaana si arrintaas wax loo qabto shir isugu yimid, saraakiisha ciidamada Soomaaliya, saraakiisha ciidamada Itoobiya , mas’uuliyiinta Gobolka Bay iyo malaaqyada Digil iyo Mirifle.

 

Shirkan oo maanta la soo gebagebeeyay ayaa waxaa gunaanadkiisii ka qeybgalay Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka sida Haweenka ,Culamaawaddinta Gobalka iyo Xildhibaano kusugnaa beryahan Magaalada baydhabo oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, waxaana shirka ugu dambeyntii laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen:

 

1.In ciidammada ku soo qulqulaya Magaalada Baydhabo dib loo celiyo, lana geeyo goobahii ay ku sugnaayeen, sidoo kalena  ciddii ammar diido ciidan sameyso isla goobtaas lagu dilo.

2. Qofkii lagu arko fal ammaan darro keeni kara in laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

3. In bartiisa lagu dilo qofkii fal burcadnimo ama Isbaaro iyo kufsi sameeyo.

 

Shirkaas waxaa ka hadlay sarkaalka ugu sarreeyo ee ciidamada Itoobiya oo la yiraahdo Johon isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay in ciidammo ay soo tababareen ay dhac u geystaan shacabkii ay difaaci lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan sii fiirsan doonin arrintaas ayna tallaabo qaadi doonaan  berri  laga billaabo. Sidoo kalena waxaa iyana falalkaas cambaareeyay oo kulanka ka hadlay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosoow oo sheegay in laga billaabo maanta ay u howlgeli doonaan wax ka qabashada amniga, go’aannada la gaarayna ay dhaqangelinayaan.

 

 

Hiiraan Online

Baydhabo