4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo Mareykanka gaaray, wada hadallana la leh Dowladda Mareykanka


Axad, April 21, 2013(HOL)—Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo ay madaxweynaha iyo wafdigiisa ku tageen booqasho rasmi ah.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo wasiirro ah ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Qorsheynta, Wasiiru-dowlaha arrimaha maaliyadda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxayna mareynka joogi doonaan muddo todobaad ah.

 

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in booqashada ay ku joogaan mareykanka ay mid tahay booqashooyin ay horay ugu tageen dalalka Britain iyo Turkiga, kuwaasi oo ku saabsanaa kulammo ay la qaateen madaxda waddamadaas.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in inta ay joogaan Mareykanka ay la kulmi doonaan madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hay’adda USAID ee deeqaha bixisa iyagoo sidoo kale arki doona Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka mareykanka, gaar ahaan Washington.

 

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku tago dalka Mareykanka tan iyo markii sanadkii 2010 xilka madaxweynenimada loo doortay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]