4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo la hadlay Soomaalida Boston (SAWIRRO)


Axad, April 21, 2013(HOL)—Madaxweyniihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la  kulmay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boston, gaar ahaan xarunta madaxwaynayaasha Afrika ee Jaamacada Boston (African Presidential Archives & Research Center).

 

Sheekh Sheriif  oo ah Madaxweynaha kaliya ee xilligan  ku sugan xarunta Madaxweynayaasha Afrika ee Jaamacada Boston ilaa horaantii bishii Janaaayo ee sanadkan 20013ka ayaa waxa uu ku qaadanayay waxbarasho loogu talagalay madaxweynayaasha Afrika ee xukunka kaga daga doorasho xor ah oo cadaalad ah, taasoo ka dhacday Caasimadda Soomaaliya eeMuqdisho sanadkii hore ee 2012kii.

 

Dadkii ka soo qaybagalay xafladda waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud (Hiiraamoow) oo ku ammaanay Madaxweyne Shariif sida uu u aqbalay natiijadii doorsahada sanadkii hore iyo siyaasadda Soomaaliya oo uu kasoo saaray sida uu yiri ceel dheer, isla markaana  waddada u furay mustaqbalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Caydiid oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa  ku aamanay shaqada uu soo qabtay Sheek Shariif Soomaalidana u rajeeyay mutaqbal wanaagsan. Maxamed Maxamuud Xabeeb ayaa sidoo kale ku ammaanay Madaxweyanaha sida uu isagu dayay in Soomaaliya ku soo noqoto beesha caalamka.

 


Dadka Halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxa Xarunta Madaxwaynayaasha Afrika ee Jaamacada Boston, Ambassador Charles Stith , wuxuuna Ambassador-ku Soomaalida u rajeeyay inay ilaashato sharafteeda iyo karaamadeeda dawladnimo, ayna taageeraan maamulka jira. Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay xafladda Ingineer Abdiraxmaan Calasoow oo ka tirsan xafiiska xarunta Jaamacadda. Iyadoo hannaan socodka munaasabadda uu xiriiriniyay Maxamed Shariif Idris. Xafladda ayaa ku soo gabagaboowday farxad iyo sacab ay jaaliyadda u tumayeen madaxweyne Shariif, iyadoo meesha uu ka babanayay calanka baluugga ah ee Soomaaliyeed.





 

Hiiraan Online

Boston, USA