4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Somalia oo Tababar Aqoon-kororsi ah loogu qaaday Maanta dalka Uganda

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta tababar aqoon-kororsi ah loogu qaaday dalka Uganda, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusii sagtooyeen xubno uu ku jiray abaanduulaha cusub ee ciidamada milateriga Soomaaliya. 

Ciidamadan oo tiradoodu ahayd 120 ayaa la sheegay in lasoo barayo habka hoggaaminta ciidamada iyo sida loola dagaalamo kooxaha dambiyada ka geysanaya gudaha magaalada iyo bannaankeeda.

“Saraakiishan waxaa loo qaaday dalka Uganda, waxayna lasoo siinayaa, xirafdo kala duwan oo looga baahan yahay inay ciidamada xooggu leeyihiin, waana kuwo baahi deg-deg ah loo qabo,” ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho.

Taliyuhu kama uusan hadlin muddada ay maqnaan doonaan, balse wuxuu sheegay inay soo qaadan doonaan tababar ku filan inta ay ku maqan yihiin dalka Uganda, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo qaado tababar tan iyo markii dowladda Soomaaliya laga qaaday cunno-qabteynta hubka.

Dhanka kale, abaanduulaha ayaa cabashooyinka ka imaanaya dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo sheegaya inay ciidamada dowladdu xadgudubyo kula kacaan, isagoo sheegay inay tallaabo deg-deg ah oo arrimahaas looga hortagayo qaadayaan.

“Waxaa noo qorsheysan inaan tallaabo deg-deg ah ka qaadno askarta dadka shacabka dhibaatooyinka u geysanaya, askarigii lagu helo inuu dambigaas galayna maxkamad ayaa la horkeeni doonaa,” ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku doonayso inay ku tayeyso ciidamada xoogga dalka iyo kuwa booliiska si ay ammaanka dalka dib ugu soo celiso, waxaana tallaabada lagu tababarayo ciidamada ay qayb ka tahay tayeynta ciidamada sida uu abaanduuluhu sheegay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya