4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Madaxweynaha Somalia oo kudbad ka jeediyay Furitaanka Shir looga hadlayo Ammaanka Qaaradda Afrika (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ku aaddan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika ee ka dhacaya dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa waxaa shirkaas kala qaybgalaya ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

“Afrika waa inay kalsooni muujiso una istaagto ka hor-tagista dambiyada qorsheysan ama abaabulan. Dambi waa dambi cid walbo oo geysata waa isla mid. Qiil ma lahan, waana in lagula dagaalamo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan intaba,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khadbadiisa.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku sheegay hadalkiisa:  Waxaan aamin-sanahay in dhammaanteen amnigeena guud uu ku jiro deris nabad iyo amni wanaagsan leh. Annaga deriskeenna wuxuu isku haleyn karaa Soomaaliya oo nabad iyo amni ah.”

Madaxweynuhu wuxuu dalbaday in gacan lagu siiyo xukuumaddiisa sidii ay uga adkaan lahayn burcadbadeedda oo uu ku sheegay cadow weyn iyo sidoo kale kooxo uu ku sheegay argagaxiso dowladdiisa kasoo horjeeda, isagoo xusay in Soomaaliya oo nabad ah ay dalalka Qaaradda iyo kuwa dariska ah ku noolaan karaan nabad iyo xasillooni waarta.

“Waxaan ognahay in burcadbadeedda ay dhaqaalaha adduunka wax weyn u dhimeen. Beesha caalamkana waxay waddaa ka hortagidda falalka burcad-badeednimada. Laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado in arrinkaas uusan noqon karin suurto-gal haddii aan la helin Soomaaliya oo nabad ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa kula dardaarmay madaxdii Afrika ee ka soo qaybgalya shirkaas in Afrika ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii ay ammaankeeda ku sugi lahayd. Dowladda Soomaaliyana ay dadaal weyn ku bixinayso inay sugto amnigeeda gudaha; taasna ay dowladda u tahay muhiimadda koowaad.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya