4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Israsaaseyn Khasaare nafeed geystay oo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ku dhexmartay Muqdisho

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen iskarhoimaad isgoyska Baar Ubax ee degmada Holwadaag ku dhexmaray maanta rag la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tisran yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Iska-horimaadka oo socday muddo kooban ayaa yimid kaddib markii laba nin oo bastoolado ku hubeysan ay bartamaha isgaoyska Baar Ubax ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo ciidammo kale iyo raggan ay isku dhaceen kaddib dilka askariga.

“Xilli aan howl ku jirnay ayaa waxaan maqalnay rasaas, dibadda dukaanka markaan soo istagaay waxaan arkay askari dhulka ku dhacay iyo rag kasii cararaya, wax yar kaddib rasaas kale oo fara badan ayaa dhacday, waxayna u dhexeysa ciidammo kale oo isgoyska ku sugnaa iyo raggii hubeysnaa, inta aan warkay waa afar qof oo dhimatay iyo laba qof oo shacab ah,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ahaa dukaanle ku ganacsada isgoyskaas.

Sidoo kale, dukaanlaha oo sii sharraxaya wuxuu arkay ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka ku dhintay iska horimaadka uu ka mid ahaa raggii dilka u geystay askariga, halka labada qof ee kalena ay ahaayeen shacab halkaas ku sugnaa.

Labadii qof ee dhaawacmay ayaa sidoo kale ahaa shacab, waxaana halkaas ka qaaday dad u soo gumaday, iyadoo muddo uu hakad ku jiray ganacsiga iyo isku socodka isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Jidka soddonka oo uu ku yaallo Isgoyska Baar Ubax ayaa ah midka ay inta badan ka dhacaan weerarrada gaadmada ah ee lala beegado cidiamada dowladda Soomaaliya, waxaaa weerarkan uu imaanayaa xilli ay dowladdu sheegtay inay howlgelinayso ciidammo suga ammaanka caasimadda.

Dowladda iyo Al-shabaab weli kama aysan hadlin dilka askariga iyo iska-horimaadka xigay ee maanta ka dhacay degmada Howlwadaag, iyadoo xilliga ay dhacaysay israsaaseyntu ay ahayd xilli ay howlo badan ka socdeen halkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya