4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Mid ka mid ah Nabaddoonnada Magaalada Baydhabo oo Xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu ka hadlay Ammaanka

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ciidamada amniga Baydhabo ayaa maanta ku xiray degmadaas Malaaq Cabdi Caliyow Macallin oo loo yaqaan (Cabdi Tees) kaddib markii ay kasoo qabteen gurigiisa, iyadoo la sheegay in loo xiray wareysi ku saabsan xaaladda ammaan ee gobolka Bay oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Malaaqa ayaa lagu eedeeyay inuu wareysigiisa ku sheegay in ciidanka jooga Baydhabo ay yihiin kuwo qaab beeleed u sameysan, isagoo la sheegay inuu daliil ka dhigtay in la dhacay gaarigii taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ee Gobalka Bay, Col. Xaaji Cali Aadan, isagoo ciidamadii geystay dhacaas ku tilmaamay kuwo qaab beeleed u abaabulan.

Hadal ayaa keenay in ciidamada ammaanka ay saakay u dhacaan guriga uu Baydhabo ka dagan yahay Malaaq Cabdi Tees kadibna loo taxaabo xabsiga dhexe ee Baydhabo, halkaasoo uu haatan ku xiran yahay.

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka socda shir looga hadlayo xaaladda amniga ee gobalka Baay iyo sidii loogu saari lahaa ciidamada dhawaanahan kusoo qulqulayay magaalada iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga oo xilliyadii dambe u muuqday mid faraha kasii baxayay.

Sirkaas waxaa la isugu yeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee arrimaha bulshada sarkaalka ugu sarreeyo ciidamada Itoobiya oo la yiraahdo Jahon, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa maamulka gobolka iyo ka degmada.

waxii kasoo baxa shirkaas oo warar ah dib ayaad kulan socon doontaan.

Hiiraan Online, Baydhabo