3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Mid ka mid ah Nabaddoonnada Magaalada Baydhabo oo Xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu ka hadlay Ammaanka

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ciidamada amniga Baydhabo ayaa maanta ku xiray degmadaas Malaaq Cabdi Caliyow Macallin oo loo yaqaan (Cabdi Tees) kaddib markii ay kasoo qabteen gurigiisa, iyadoo la sheegay in loo xiray wareysi ku saabsan xaaladda ammaan ee gobolka Bay oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Malaaqa ayaa lagu eedeeyay inuu wareysigiisa ku sheegay in ciidanka jooga Baydhabo ay yihiin kuwo qaab beeleed u sameysan, isagoo la sheegay inuu daliil ka dhigtay in la dhacay gaarigii taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ee Gobalka Bay, Col. Xaaji Cali Aadan, isagoo ciidamadii geystay dhacaas ku tilmaamay kuwo qaab beeleed u abaabulan.

Hadal ayaa keenay in ciidamada ammaanka ay saakay u dhacaan guriga uu Baydhabo ka dagan yahay Malaaq Cabdi Tees kadibna loo taxaabo xabsiga dhexe ee Baydhabo, halkaasoo uu haatan ku xiran yahay.

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka socda shir looga hadlayo xaaladda amniga ee gobalka Baay iyo sidii loogu saari lahaa ciidamada dhawaanahan kusoo qulqulayay magaalada iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga oo xilliyadii dambe u muuqday mid faraha kasii baxayay.

Sirkaas waxaa la isugu yeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee arrimaha bulshada sarkaalka ugu sarreeyo ciidamada Itoobiya oo la yiraahdo Jahon, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa maamulka gobolka iyo ka degmada.

waxii kasoo baxa shirkaas oo warar ah dib ayaad kulan socon doontaan.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
4/20/2013 1:29 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta tababar aqoon-kororsi ah loogu qaaday dalka Uganda, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusii sagtooyeen xubno uu ku jiray abaanduulaha cusub ee ciidamada milateriga Soomaaliya.

4/20/2013 1:16 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ku aaddan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika ee ka dhacaya dalka Itoobiya.

4/20/2013 1:16 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen iskarhoimaad isgoyska Baar Ubax ee degmada Holwadaag ku dhexmaray maanta rag la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tisran yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

4/20/2013 12:22 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Jaaliyadda Ingiriiska ee Somaliland, ayaa xalay munaasibad balaadhan oo soo dhoweyn ah u samaysay madaxweynaha Somaliland iyo weftigii la socday, taas oo ka dhacday magaaladda London.

4/20/2013 11:38 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013(HOL)— Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho waxaa ciyaartii kama dambeysta ee Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir isaga horyimid Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis. Iyadoo guusha ay 70-68 ku raacday Degmada Cabdicasiis.

4/20/2013 8:41 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay kooxdan ayaa lagu sheegay in afartii bilood ee sannadkan ay magaalada Muqdisho ku dileen 127 askari oo ka tirsan hay’adda nabadsugidd Qaranka Soomaaliyeed.

4/20/2013 8:21 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa 10 su’aal lagu weydiiiyay kulan maanta uu golaha baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Muqdisho, waxayna su’aaluhu u badnaayeen heshiisyo ay xukuumaddu la gashay dalka Turkiga kuwaasoo ku saabsan tababarka ciidamada.

4/20/2013 7:31 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Si loo hagaajiiyo nidaamka daqlli ururinta mudo 22 sano ah kadib maamulka gobollka Hiiraan ayaa bilaabay markii ugu horeysay in uu aqoon ku soo xusho shaqaallaha ka howlgala waaxda cashuurta ururinta, waxaana dhinaca kale ka soconaya magaalada Baladweyne tababaro sare loogu qaadayo aqoonta shaqaallaha ka howlgali doona qaadista iyo soo ururinta canshuurta laga qaado dadweynaha.

4/20/2013 6:32 AM EST
Miinada iyo waxyaabaha kale ee qarxa waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu halista badan ee laga dhaxlo meelaha ay ka dhacaan dagaalada u dhaxeeya Dawladaha Xuduuda leh , kuwaasoo aan waxba isula harin, ama meelaha ay ku habsato muusibada dagaalada sokeeye .

4/20/2013 3:21 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda ay ka howlgalayaan Muqdisho ciidammo si gaar ah u tababaran oo loogu talogalay inay sugaan ammaanka Muqdisho.

4/20/2013 2:59 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya ayaa uga qaybgalaya halkaas furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo ammaanka Qaaradda Afrika.

4/20/2013 2:56 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka mid ah golihiis wasiirrada ayaa hortagaya maanta golaha baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo su'aalo lagu weydiin doono.