4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
AXMED SIILAANYO “Ingiriisku wuxuu yiri Shir baan Soomaaliya u Qabanaynaa innaguna waxaan ku niri shirkaas nama khuseeyo”

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Jaaliyadda Ingiriiska ee Somaliland, ayaa xalay munaasibad balaadhan oo soo dhoweyn ah u samaysay madaxweynaha Somaliland iyo weftigii la socday, taas oo ka dhacday  magaaladda London.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda uga xogwaramay shirkii Turkiga ka dhacay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya iyo shirka la filayo inuu ka dhaco magaaladda London ee loo qaban doono Soomaaliya oo uu sheegay inay wali ku adkaysanayaan in aanay ka qaybgalin shirkaasi maadaama oo aanu Somaliland khuseyn.

Sidoo kale; waxa uu xusay in shirkii madaxweynaha Soomaaliya wada galeen ay ka soo baxday arrimo labadda dhinacba faa’iido u leh, kaas oo mustaqbalka lagu kala bixi doonno.

Waxaa kaloo uu sheegay inuu Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Cameron uu ku qaabilay xafiiskiisa, kaas oo uu uga xog waramay xaaladda ay Somaliland ku sugan yahay iyo xidhiidhka taageero ee dawlada Ingiriiska ay siiso Somaliland, haseyeeshe uu Ra’isal wasaaruhu ka codsaday inay shirka London ka dhici doona ee soomaaliya loo qaban doono ka soo qaybgalaan Somaliland, balse ay arrintaasi ku adkaatay madaxweynaha maadaama oo aanay waxba ka khuseyn shirkaasi.

“Dawladda Ingiriiska oo aynu cilaaqaad dheer leenahay, mucaawimo bandanna aynu ku qabno, saaxiibtinimo badan iyo waxtar badanna inaga dhaxeyso, shir bay u qabanayaan Soomaaliya, waxaana ku nidhi shirkaasi annaga  nama khuseeyo. Xaasidi mayno, una diidi mayno in wixii loo tarayo iyo wixii loo qaban karaba loo qabto Soomaaliya. Laakiin Annagu Soomaaliya kama mid nihin,” ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey shirka London lagu qabanayo iyo jawaabta uu ka bixiyey ka soo qaybgalka shirkaasi.

Isagoo sii hadlay ayuu yiri: “Hore ayaanu intii aanu Itoobiya joognay dhawaan ula kulanay xubno ka mid ah Wasiirrada Ingiriiska waanu u cadaynay mawqifkayaga, imika markii aanu London nimidna waxaanu is aragnay Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo Wasiirka Arrimaha dibadda William Hugue iyagana mawqifkaas ayaanu u cadaynay, waanan ku taagan nahay mawqifkaasi weli.waxaanan jecel nahay iyaguna nagu taageeraan arrintaasi.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka waramay shirkii Turkiga ka dhacay iyo waxyaalihii ka soo baxay.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa tilmaamy in mudadii saddexda sanno ahaa ee ay xilka hayeen ka dhex muuqdeen saaxada siyaasadaha caalamka iyo kuwo mandaqada lagu gorfeeyo, isla markaana magacii iyo qadiyadda Somaliland ay meelo badan gaadhsiiyeen, taasina ay guul u tahay Somaliland iyo shacabkeedda.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobtaasi ka tiriyey gabay uu dareenkiisa ku cabirayo, isla markaana uu muujinayo dhibaatooyin badan oo lasoo gaarsiiyay intii aanu wasiirka noqon iyo imika oo uu wasiir yahay, waxaanu gabayga ku xusay mar ay dawladdii hore Daahir Rayaale xabsiga u taxaabtay kuna tilmaamtay inuu Al-shabaab yahay,sidoo kale wuxuu gabayga ku sheegay sida uu u aaminsan yahay qadiyadda Somaliland iyo muddadii uu xilka hayay waxyaalihii uu qabtay.

Wasiir Xirsi ayaa sheegay inuu gabaygani ku soo dhashay wakhtigii uu Turkiga joogay ee uu shirarka kula jiray Soomaaliya, isla markaana wax badan ku iftiimiyey waxyaalo badan oo uu tirsanayey oo shakhsiyan laga lagay iyo waxyaalo badan oo ay xukuumadda uu ka tirsan yahay qabatay balse dad kale dhiilaan.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ah ka loogu hadal haynta badan yahay wasiiradda Somaliland , isla markaan aad loo dhaliilo, haseyeeshee gabaygan wuxuu ku muujiyey arrimo badan oo uu sheegay in laga gardaran yahay, taas oo uu ku garnaqsanayey.

Dadweynaha Somaliland ayaa gabaygan aan lagu ogayn ee uu tiriyey wasiirku siyaabo kala duwan u macnaystay, waxanay meelaha la iskugu yimaado ku dhalisay dood iyo falanqeyn, maadama oo gabaygaasi u ahaa mid aad culus oo dhinacyo badan uu ku garnaqsanayey.

Dhinaca kale, waxa uu u muuqday gabaygan inuu u jawaabayey abwaano gabayo ku dhaliilay, qaarkoodna heeso wax kaga sheegayaan u sameeyey.

Sidoo kale waxa uu wasiirku dhaliilay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo uu sheegay inuu Somaliland waxba ka qaban kari waayey, soomaaliyana uu dab kula wareegayo, waxa kale oo uu tacsi u diray wasiirku shacabkii dhowaan lagu qarxiyey magaaladda Muqdisho.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland