3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Faahfaahin ku saabsan Kulankii Baarlamaanka ee Su’aalaha lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa 10 su’aal lagu weydiiiyay kulan maanta uu golaha baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Muqdisho, waxayna su’aaluhu u badnaayeen heshiisyo ay xukuumaddu la gashay dalka Turkiga kuwaasoo ku saabsan tababarka ciidamada.

Kulan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 192 mudane, iyadoo uu shir-guddoon ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad, waxanaa su’aalaha weydiiyay ra’iisul wasaaraha shan mudane oo ka mid ah xubnihii soo diyaariyay mooshinka.

Su’aalaha waxaa ka mid ahaa in xukuumadda ay caddeyso heshiisyadii ay la gashay dowladaha caalamka, gaar ahaan dowladda Turkiga, in sidoo kale la caddeeyo qorshaha IGAD ee xasilinta Soomaaliya, in ra’iisul wasaaruhu uu u sheego baarlamaanka halka ay marayaan qorshaha xukuumadda ee ku aaddan xasilinta ammaanka ee afarta sano ee soo socota iyo qaabka ay u doonayso inay u xasiliso iyo su’aallo kale.

Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn ka jawaabay su’aasha ku saabsanayd in la caddeeyo heshiisyada  ay xukuumaddu la gashay dowladaha caalamka qaarkood sida Turkiga ayaa ku jawaabay: “Qoraal ahaan ayaan u dhiibnay qorshaha afarta sano ee soo socda lagu sugayo ammaanka guud ee dalka, sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha waxay soo diyaarsisay qorshaha booliska afarta sano ee soo socoto.”

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha waxaa la weydiiyay su’aal ahayd halku uu marayo qorshaha xasilinta ammaanka dalka ee afarta sano ee soo socota, wuxuuna ku jawaabay: “Muddadii aan joognay waxaan keenay laba heshiis oo ku aaddan dhanka ciidamada kaasoo aan la galnay dowladda Turkiga; waana idiin keennay; waxaana koobiga heshiiskaas u dhiibay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo dhowr ah, iyadoo ay xildhibaannada qaarkood sheegeen inaysan ku qabancsanayn habka uu uga jawaabay ra’iisul wasaaruhu su’aalaha la weydiiyay, waxayna soo jeediyeen inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.

Mudane Saacid dhanka kale ayaa faahfaahiyay qorshaha urur goboleedka IGAD ee dib u dejinta Soomaaliya kaasoo ay dib u eegis ku sameeyeen golaha wasiirrada, isla markaana ay waafajiyeen lixda tiir ee qorshaha guud ee dawladda. Wuxuuna xusay in qorshahani hirgelintiisa ay macne weyn ugu fadhiyo dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Xukuumadu waxay hirgelisay in ka badan toban dugsi oo si lacag la’aan ah ardayda wax loogu bari doono,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha mar uu jawaab ka bixinayay su’aal la xariirta dhanka waxbarashada isagoo xusay inay jiraan dugsiyo kale oo haatan lagu wado dayactir.

Ugu dambeyn, waxaana kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, isagoo sheegay in tani ay caddeynayso wada-shaqeynta buuxda ee u dhexeysa xukuumadda iyo Baarlamaanka, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay inay mar walba la socdana halka howlaha xukuumaddu ay marayaan si ay shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiyaan.

Kulanka berri ayaa lagu wadaa inuu su’aalo kaga jawaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana tani ay qayb ka tahay qorshayaasha uu baarlamaanku ugu kuurgalayo howlaha u qabsoomay xukuumadda.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/20/2013 1:29 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta tababar aqoon-kororsi ah loogu qaaday dalka Uganda, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusii sagtooyeen xubno uu ku jiray abaanduulaha cusub ee ciidamada milateriga Soomaaliya.

4/20/2013 1:16 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ku aaddan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika ee ka dhacaya dalka Itoobiya.

4/20/2013 1:16 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen iskarhoimaad isgoyska Baar Ubax ee degmada Holwadaag ku dhexmaray maanta rag la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tisran yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

4/20/2013 12:58 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ciidamada amniga Baydhabo ayaa maanta ku xiray degmadaas Malaaq Cabdi Caliyow Macallin oo loo yaqaan (Cabdi Tees) kaddib markii ay kasoo qabteen gurigiisa, iyadoo la sheegay in loo xiray wareysi ku saabsan xaaladda ammaan ee gobolka Bay oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

4/20/2013 12:22 PM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Jaaliyadda Ingiriiska ee Somaliland, ayaa xalay munaasibad balaadhan oo soo dhoweyn ah u samaysay madaxweynaha Somaliland iyo weftigii la socday, taas oo ka dhacday magaaladda London.

4/20/2013 11:38 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013(HOL)— Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho waxaa ciyaartii kama dambeysta ee Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir isaga horyimid Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis. Iyadoo guusha ay 70-68 ku raacday Degmada Cabdicasiis.

4/20/2013 8:41 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay kooxdan ayaa lagu sheegay in afartii bilood ee sannadkan ay magaalada Muqdisho ku dileen 127 askari oo ka tirsan hay’adda nabadsugidd Qaranka Soomaaliyeed.

4/20/2013 7:31 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Si loo hagaajiiyo nidaamka daqlli ururinta mudo 22 sano ah kadib maamulka gobollka Hiiraan ayaa bilaabay markii ugu horeysay in uu aqoon ku soo xusho shaqaallaha ka howlgala waaxda cashuurta ururinta, waxaana dhinaca kale ka soconaya magaalada Baladweyne tababaro sare loogu qaadayo aqoonta shaqaallaha ka howlgali doona qaadista iyo soo ururinta canshuurta laga qaado dadweynaha.

4/20/2013 6:32 AM EST
Miinada iyo waxyaabaha kale ee qarxa waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu halista badan ee laga dhaxlo meelaha ay ka dhacaan dagaalada u dhaxeeya Dawladaha Xuduuda leh , kuwaasoo aan waxba isula harin, ama meelaha ay ku habsato muusibada dagaalada sokeeye .

4/20/2013 3:21 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda ay ka howlgalayaan Muqdisho ciidammo si gaar ah u tababaran oo loogu talogalay inay sugaan ammaanka Muqdisho.

4/20/2013 2:59 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya ayaa uga qaybgalaya halkaas furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo ammaanka Qaaradda Afrika.

4/20/2013 2:56 AM EST
Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka mid ah golihiis wasiirrada ayaa hortagaya maanta golaha baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo su'aalo lagu weydiin doono.