4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Dadweynaha degmada Galdogob oo cabasho ka muujiyay hay’ad miino saaris u joogtay oo deegaankaas laga cayriyay
Sabti, April 20, 2013 (HOL) - Miinada iyo waxyaabaha kale ee qarxa waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu halista badan ee laga dhaxlo meelaha ay ka dhacaan dagaalada u dhaxeeya Dawladaha Xuduuda leh , kuwaasoo aan waxba isula harin,  ama meelaha ay ku habsato muusibada dagaalada sokeeye .
galdoqayb.jpg


Hadaba, Degmada Galdogob iyo deegaanada ku xeeran waxay ka mid yihiin meelah wajahaya qatarta ay miinadu iyo aaladaha kale ee qarxa leeyihiin.

Laga soo bilaabo 1977 ilaa iyo iminkadan ah oo 2013-ka waxyeelada ay geysatay miinada  ayaa kor u dhaafaya kumanaan dhacdo oo ay ka dhasheen khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo ay ka midyihiin kuwo dad xubno jirkooda ka mid ah oo muhiim ah ay ku waayeen.

Khatarta ay miinadu leedahay ayaa deegaanka Galdogob wali si weyn uga sii jirta , iyadoo dadka deegaankuna ay la tacaali la’yihiin xalinta musiibadan ay ku dhex noolyihiin in ku dhow 40 sano.
Dhanka kale waxaa jiray isku dayo fashilmay oo Hay’ado caalimi ah iyo NGO-yo ay isku dayayeen inay uga yaraan wax kaqabtaan kuwaasoo la kulmay caqabado ka imaanayay dhinacyo kala duwan. Iyadoo sababay inay dib uga laabtaan isku daygoodii .

Dhawaan hay’adda MAG oo ah hay’ad caalami ah oo isku dayaysay inay Ka bilowdo Degmada Galdogob iyo deeganada ku xeeran Mashruuc miino saar ah, isla markaana qoratay shaqaale dadka deegaanka ah   iyo Gadiid deegaanka laga leeyahay ayaa isaga baxday ka dib markii culays ay saareen qaar kamid ah dadka deegaanka oo dano gaar ah fiirsanaya.

Waxaana hada isu haray Khatarta miinada oo meesheedii ka sii socota iyo dadka deegaanka oo baylah u ah, waxaana isa soo taraya baaqyada iyo codsiga ka imaanaya dadka deegaanka ee ku wajahan cid kastoo arintaan ka qeyb qaadan kara xal u helideeda, Kuwasoo isugu jira Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya , maamul goboleedka Puntland iyo Hay’adaha kale ee Caalimiga ah.

Baaqa qeylo dhaanta ah ee dadka deegaanka Galdogob ka imaanayo hadii uusan helin Jawaabo degdeg ah waxay suuro galin kartaa in miinooyin qarxa ay ku nafwaayaan dad laga badbaadin karay.

Jibriil Xaashi Cigaal
[email protected]
Galdogob,Soomaliya