4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in toddobaadka soo socda ay Muqdisho ka howlgalayaan ciidammo gaar ah

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda ay ka howlgalayaan Muqdisho ciidammo si gaar ah u tababaran oo loogu talogalay inay sugaan ammaanka Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu adkenayo ammaanka guud ee caasimadda, mana uusan sheegin tirada ciidamada howlgalaya.

“Ciidamadan waxay isugu jiraan kuwo dalka gudihiisa lagu tababaray iyo kuwo dalka dibaddiisa kusoo tababaray, waana ciidammo ka duwan kuwii hore, waxayna howlgeli doonana toddobaadka soo socda,” ayuu wasiirku ku yiri war uu siiyay warbaahinta Muqdisho.

 Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadan loo dhameystiray qalabkooda, sidoo kalena ay roondooyin ku sameyn doonaan degmooyinka gobolka Banaadir, howshooda ugu badanna ay noqon doonto la dagalaanka waxa loogu yeeray argagaxisada.

“Waxaan sameynay 20 gaari oo ciidamadan ay ku howlgeli doonaan, kuwaas oo sameyn doona socod 24 saac ay ku dhexmarayaan gudaha caasimadda, waxaana sidoo kale aan sameynay lambarro laga soo xiriiri karo xarunta Oto-Oto si ciddii khatar aragta ay ula soo xiriirto,” ayuu yiri wasiirku hadalkiisa ku daray.

Tallaabadna ayaa waxay noqonaysaa tii ugu dambeysay ee ay dowladdu ay isugu dayayso inay ku sugto ammaanka Muqdisho, iyadoo dhawaan ay xoogag taabacsan Al-shabaab weerareen xarunta garsoorka dalka, halkaas oo ay muddo saacado ah gacanta ku hayeen.

Magaalada Muqdisho ayaa ammaankeedu faraha kasii baxayay bilooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo dhowr jeer ay dowladdu isku dayday inay isbedel ka sameyso, balse weli waxaa muuqda inuusan jirin isbedel weyn oo dhinaca ammaanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya