4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Dalka Itoobiya uga Qaybgalaya shir looga hadlayo Ammaanka Qaaradda Afrika (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya ayaa uga qaybgalaya halkaas furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo ammaanka Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga ee Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa amni-daradda ka taagan Qaaradda, gaar ahaan dalalka ay colaaduhu ka jiraan weli oo ay ku jirto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa inuu qudbad ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya uu ka jeediyo shirka, kaasoo ay isugu iman doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hay’adaha daneeyo amaanka.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa tani waxay ka dhigaysaa markii saddexada oo uu dalkaas booqdo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ammaanka uu muhiimadda koowaad kaga jiro tiirarka siyaasadeed ee ay dowladdu ku shaqeynayso, iyadoo madaxda dowladdu ay ballanqaadeen inay wax ka qaban doonaan amni-darrada ka jirta dalka, gaar ahaan Muqdisho.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya