4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa oo hortagay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya

Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka mid ah golihiis wasiirrada ayaa hortagaya maanta golaha baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo su'aalo lagu weydiin doono.

Wasiirrada wehlinaya ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka arrimaha gudaha, ganacsiga iyo warshadaha, khayraadka dalka, garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta iyo wasiir ku xigeenno ka socda wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta.

“Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay qoraal loogu yeerayo ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, waxaana su’aalaha ugu badan ee la weydiinayo ka mid ah ammaanka iyo waxqabadka xukuumadda muddadii ay jirtay,” ayuu yiri mudane ka tirsan baarlamaanka.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu horay ugu wargeliyay ra’iisul wasaare Saacid inuu baarlamaanka ku horyimaado 20-ka Abriil oo maanta ku beegan, iyadoo horay loogu yeeray wasiirka arrimaha gudaha balse ma uusan tegin.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaanahan wuxuu ka hadlayay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, gaar ahaan dad lagala baxay xabsiyada Muqdisho oo la dilay maydadkoodana la dhigay waddooyinka Muqdisho.

Waa markii labad oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisu ay hortagaan baarlamaanka tan iyo markii la dhisay xukuumadda dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo guddoonka baarlamaanka ay arrintan ku tilmaameen mid xoojinaysa wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda.

Su’aalaha la weydiinayo ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wixii uu ka qaybtay qorshayaashii uu sheegay inuu wax ka qabanayo markii xilka loosoo magacaabay, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin, ammaanka, waxbarashada iyo horumarinta howlaha xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya