4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Sheegay in aan lagu Casuumin Shirka looga hadlayo dib u habeynta Garsoorka Dalka

Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ka mid ah maamullada uu xiriirka wanaagsan kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaan lagu casuumin shirka looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka.

Guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna, Sheekh Cumar C/qaadir Cali oo u warramayya warbaahinta ayaa sheegay inuusan jirin xubin ka tirsan ururkooda oo shirkaas ka qaybgalaya iyo casuumaad loo fidiyay ururkooda midna.

“Shirka looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka laguma casuumin Ahlusunna, mana jiro mas’uul nooga qaybgalaya oo halkaas ku sugan,” ayuu yiri Sheekh Cumar C/qaadir oo intaas ku daray inaysan garanayn sababta keentay inay dowladdu ka dul-booddo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka furmay shir socon doona shan maalmood oo looga tashanayo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka si dadku ay ugu kalsoonaadaan cadaaladda dalka.

Kulankan oo uu furya madaxweyne, Xasan Sheekh ayna soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalaya 150-ergo oo ka kala socda maamullo ka jira dalka oo ay ka mid tahay Puntlnad iyo aqoonyahanno ka yimid dibadda iyo kuwo horay ugu sugnaa dalka.

“Dowladda iyo Ahusunna waxaa ka dhexeeya xiriir adag naloogumana yeerin shirkan, waayo Ahlusunna waa la yaqaanaa waa maamul cadaaladda si weyn u yaqaanna,” ayuu yiri Sheekh Cumar C/qaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay in shirka uu noqdo mid ay qodobbada kasoo baxa lagu dhaqmo, isla markaana uu noqdo mid ay Soomaalida oo dhan ka qaybqaadatay dejintiisa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan la ogeyn waxay kaga jawaabi doonto hadalka kasoo baxay culummaa’uddiinka Ahlusunna ee ku saabsan inaan lagu casuumin shirka, iyadoo la xusuusto inay xulufo wey ku yihiin dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya