4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Ciidammo ka tirsan AMISOM oo wata Gaadiidka Gaashaaman iyo Dabaabado oo illaa xalay Gaarayay Degmada Baydhabo


Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo aad u fara badan ayaa shalay gallinkii dambe illaa xalay gaarayay magaaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo maray dhinaca dhulka waxayna fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedyada Baydhabo.

Ciidamadan oo watay dabaabadaha dagaalka iyo gaadiidka gaashaaman ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, waxayna mareen dhulka, iyagoo ku biiray boqolaal ciidammo ah oo ka tirsan AMISOM oo horay ugu sugnaa degmadaas.

Maalmahan ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socday in ciidamada Itoobiya ay ku wareejiyaan saldhigyadii ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Degmada waxaa soo gaarayay tan iyo xalay ciidammo ka tirsan AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka, waxay saldhigyo fariisimo waaweyn ka sameysteen garoonka diyaaradaha iyo jidka aada deegaanka Awdiinle,” ayuu yiri Cumar Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool degmada Baydhabo.

Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin ciidamada ka socda AMISOM ee gaaray degmadaas, waxaase ciidamadan ay kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ay qorsheynayaan inay isaga baxaan gobolka Bay.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadan ka tirsan AMISOM ee gaaray Baydhabo ay qorsheynayaan inay u gudbaan deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xudur oo bishii hore ay isaga baxeen ciidankii Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa degmadaas.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay tagaan goobaha ay ciidamada Itoobiya banneeyeen si ay u sugaan ammaanka dadka deegaannadaas ku nool.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegay dhawaan inay ciidamadooda ka baxayaan gobollada Bay iyo Bakoool, iyagoo sheegay in la dhaafay xilligii ay doonayeen inay isaga baxaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya