4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Ururka Samafalak Qurbojoogta Soomaaliyeed ee (SDSI) oo kaalmo Gaarsiiyay Bukaannada ku jira isbitaalka Kismaayo


Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) Ururka samafalka qurbajoogta Soomaaliyeed ee SDSI ayaa maanta kormeeray goobo kala duwan oo uu kamid yahay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyagoona sidoo kale kaalmo lacageed gudoonsiiyay bukaanada ku jira isbitalka.

Xubno katirsan ururka SDSI oo uu horkacayay gudoomiyaha ururka Mudane C/qani Sheekh Cali Diini ayaa markii ay gaareen Isbitalka waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda isbitalka ka dhageysteen Dr. Cabdi Samad Abiikar Xaaji, oo isagu sheegay in isbitalka ay ka jirto dawo la’aan iyo dhibaato dhanka agabka caafimaadka ah.

Dr. C/samad ayaa sheegay in xaaladda isbitalka ay tahay mid aad u liidato, wuxuuna intaa ku daray in ay burbursanyihiin inta badan qeybaha la seexsho bukaanada, wuxuuna xusay in  aysan jirin cid ka caawisa dhanka dawooyinka iyo weliba qarashaadka shaqaalaha.

Qolalkii kala duwanaa ee la seexin jiray bukaanada sida qeybta jajabka iyo bukaansocodka ayaa laga dareemayaa burbur aad u xooggan, waxaana bukaanada ku jira isbitalka ay intooda badan jiifaan geedaha hoostooda maadaama qolalkii la seexin jiray ay burbursanyihiin.

Gudoomiyaha ururka SDSI ayaa lacago gudoonsiiyay bukaanada ku jira Isbitalka iyo weliba qaar kamid ah shaqaalaha isbitalka guud ee magaalada Kismaayo, isagoona sidoo kale sheegay in fariintan ay gaarsiin doonaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha iyo xubnihii la socday ayaa booqday mid kamid ah xerooyinka ay ku jiraan ciidamada dowladda, waxayna halkaasi kula kulmeen cutubyo ka tirsan ciidamada iyo saraakiishooda iyagoona kala hadlay arimo ay kamid yihiin kahortagga kufsiga iyo weliba waxyaalaha dhibaateeynaya shacabka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya