4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Wabiga Shabeelle oo Fatahaaddo ka Sameeyay Xaafado ka Tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Guud ahaan marka la eego dad ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa wadnaha farta uga haya fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle oo siweyn u buux dhaafiyay xilli wali gobollka Hiiraan  iyo deegaannada ku dhaw dhaw ka da'ayaan roobabkii Gu'ga oo sii kordhinaya baqdinta  iyo cabsida ay qabaan qoysaska ku nool magaalada Baladweyne.

Xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Baladweyne ayaa la arkayaa in durbaba wabiga meelaha qaar uu fatahaad ka sameeyay, taasoo sababtay in ay xirmaan jidad muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gadiidka walow fatahaadaas aysan wax saameyn ay ku yeellan qoysaska ku nool xaafadda oo aan wali guryahooda ka barakicin.

Dadka sida weyn  darraaseeya wabiga iyo arrimaha fatahaada ayaa HOL u sheegay in aysan jirin cabsi weyn oo dhinacooda ay ka qabaan wabiga haddii aysan roobaba dhowr saacadood qaata ka da'in gudaha magaalada, iyaga soo xiganaya warar ama xog laga hellay deegaannada ismaamulka Soomaalida Itoobiya sida Mustaxiil iyo Khalaafe oo la sheegay in wabiga shabeelle uu biyo yareeyay.

Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto walaaca iyo cabsida bulshada ku dhaqan magaalada ayaa ah roobabka wali ka da'aya qeybo badan oo ka mid ah gobollka oo biyaha ay soo rogaan togaga iyo waadiyaasha si toos ah ugu soo shubmaya wabiga shabeelle oo hadda biyihiisu siweyn u tan dhaafeen.

24 saac ee la soo dhaafay ayaa wabiga siyaabo kala duwan waxaa ugu naf waayay inta la og-yahay labo ruux oo dhalinyarro ah oo mid ka mid ah la sheegay  in biyaha wabiga la tageen, halka kan kalana wararku sheegayaan in jug madax ka gaartay uu u dhitay xilli uu meel sare isaga soo tuuray wabiga si uu ugu dabaasho.

Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa uga digaya bulshada ku dhaqan magaalada gaar ahaan dhalinyarrada in ay ka fogaadaan wabiga oo waqtiga aan ku habooneyn in xitaa qofka dabaasha yaqaana uu gudaha gallo madaama ay biyihiisu si xowli ah u socdaan.

Baqdinta iyo cabsida mar kale laga muujinayo fatahaad uu sameeyo wabiga shabeellaha ayaa imaneysa xilli ay jiraan qoysas ku barakacay fatahaadii ugu danbeysay ee ku dhufatay magaalada Baladweyne oo wali dibad joog ka yihiin guryihii ay ku noolaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya