4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Kooxo Hubeysn oo Maqaayad ku taalla Degmada Gaarisa ku toogtay dad fara badan kuwo kalena ku Dhaawacay

Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay dad badan ku toogtay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo lix ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka saddex kalena ay dhaawacyo soo gaaray u dhinteen.

Booliiska Gaarisa ayaa sameeyay baaritaanno ballaaran sameeyay kuwaasoo ay ku qabqabteen dhowr qof, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inaysan ka dambeyn weerarkaas iyo koox lagu eedeeyay intaba.

Sagaal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca degmada Gaarisa tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2011.

“Kooxo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee AK-47-ka ah ayaa weerarka ku qaaday maqaayadda Kwa Chege, rasaas ay ku fureen dadkii maqaayada ku jiray oo qaarkood cunteynayay halka kuwo kalena ay qaxweynayeen, lix qof ayaa isla markiibta goobta ku dhintay, dad kale oo badanna dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri maqaayadda ku sugnaa.

Goobjoogaha ayaa sheegay in dad fara badan ka baxsadeen goobta, iyadoo weerarka uu dhacay xilli ay dadku daawanayeen warka telefishinnada dalka Kenya ka baxayay fiidnimadii xalay.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Muriithi ayaa sheegay inay socdaan howgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka ka dambeeyay, balse ma jirto cid uu si gaar ah ugu eedeeyay.

Horraantii bishan ayay ahayd markii weerar noocan oo kale ah uu ka dhacay degmada Gaarisa, kaasoo lagu dilay arday, halka lagu dhaawacay saddex qof oo kale. Waxaana weerarkaas uu ka dhacay suuqa weyn ee magaalada Gaarisa.

Sidoo kale, isla bishan Abriil ayaa lagu dilay Gaarisa laba sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya, mid kalena waa lagu dhaawacay, iyadoo kooxaha weerarka geystay ay ka baxsadeen goobtaas.

Tan iyo markii ay Kenya ciidammo u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011 dhammaadkiisa si ay Al-shabaab ula dagaalamaan, waxaa gudaha dalka Kenya ka dhacayay weerarro ay dad badan ku dhinteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya