4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Kooxo aan la garanayn oo Saldhigga dhexe ee Booliiska Magaalada Boosaaso xalay saqdii dhexe ku weeraray Bam-gacmeed

Jimce, Abriil 19, 2013 (HOL)- Qarax ayaa xalay ka dhacay meel waxyar ka durugsan saldhigga dhexe ee booliska degmada Boosaaso, xilliga uu qaraxu dhacay ayaa ahaa abbaare 9:00kii fiidnimo, waxaana jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo magaalada ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan booliska oo waxyar kaddib markii uu qaraxu dhacay aan khadka telefoonka kula xiriirnay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay bumbo gacmeed laga soo tuuray dhabarka danbe ee saldhigga.

Waxa kale oo ay sheegeen in haba yaraatee aysan jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi uu geystey, maadaama ay bumbadu ku qaraxday meel xoogaa saldhigga ka durugsan.

"bumbada gacanta ayey ahayd, cidna wax kuma noqon, waxayna ku qaraxday meel saldhigga in door ah u jirta, ilaah mahadiis weeye" askari ka tirsan ciidamada saldhiggaas ka howlgala ayaa sidaas HOL u sheegay.

Ciidamada ayaa qaraxa kaddib howlgal muddo kooban socdey ka sameeyey agagaarka saldhigga, haseyeeshee ma jirto ilaa iyo hadda cid  ay falkaas usoo qabteen, waxayna sheegeen in ay wadaan baaritaan arintaas ku aadan.

Inkasta oo sanadkan ay tahay markii ugu horeysey, waxaa hadana sidan oo kale bunbo gacmeed horay loogu weeraray qaar kamid ah xarumaha booliska ee magaalada Boosaaso sida: saldhigyada booliska ee Biyo-Kulule, Mijir iyo Baalade.

Si kastaba ha ahaatee ammaanka magaalada Boosaaso - oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee maamulka Puntland-  ayaa sanadkan ah mid aad u wanaagsan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya