3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Shir looga hadlay sidii looga hortagi lahaa kufsiga kusoo badanaya Somaliland oo Magaaladda Hargeysa lagu qabtay

Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha xuquuqul insaanka Somaliland, ayaa sheegtay in kufsiga loo gaysto hablaha iyo caruurta yar yar ay Somaliland ku soo badanayaan, isla markaana maxkamadaha ka dalbatay in la adkeeyo kiisaska kufsiga oo aan lagu xalin xeer dhaqan.

Shirkan oo iskugu yimaadeen Hay’adaha xuquuqul insaanka Somaliland,qaybaha kala duwan ee Bulshadda, Culimo u diin, Cuqaal, wasaaradda caafimaadka, wasaarada diinta iyo awqaafta iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtidda iyo Wakiiladda, ayaa lagu qabtay hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Madaxda iyo masuuliyiinta guddida xuquuqda Aadamaha,ayaa sheegay inay dambi weyn tahay kufsiga, isla markaana loo baahan yahay in sharciga la adkeeyo si loo yareeyo dambiyadda kufsiga.

"Bulashadeena Somaliland oo baryahan danbe ay ku soo badanayaan dhaqanno aan hore dalkeena uga jirin oo  ah wax ka soo horjeeda xuquuqda Adamaha,taasoo ah kufsi badan  oo lagula kaco carruurteena iyo hablaheena” ayey tidhi gudoomiyaha xuquuqul insaanka Fadxiya Jaahuur oo ka hadlaysay ujeedada shirkan, waxayna intaas ku dartay “Xogta ugu badan ee aannu ka ururinay waxa ugu badan carruurta yar yar, waxaanu ka digaynaa qawaaqibka ka dhalan kara."

"Waxani waa wax maalin walba ka dhac xaafaddaheena,  arrintan aynu ka qaadano go’aan adag, waana wax laga ducaysto in maalin walba Cusbitaalka Guud lakeeno carruur yar yar oo la kufsaday oo dhiig ka da’aayo "ayey tidhi Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo ku talisay in go’aan adag laga soo saaro sidii loo yarayn lahaa kufsiga.

Intaas ka dib waxa shirkaasi laga soo saaray go’aamo wax lagaga qabanayo dambiyadda kufsiga la xidhiidho, kuwaas oo la sheegay in ay tahay dhaqamo xun xun oo aan hore u jirijirin oo ku soo badanaya dalka.

Guddoomiyaha xuquuqul inskaanka Qaranka ayaa akhriday sideed qodob oo laga soo saaray shirka ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo Hay´adaha Dawlada. Waxaanu u qornaa isdan:

1.      Shirku wuxuu u aqoonsaday in kufsigu yahay Aafo qaran oo bulshadeena naafaysay, una baahan in si wada jir ah bulshada iyo dawladuba meel uga soo wada jeestaan.

2.      In dawladu adkayso shuruucda iyo xukunka qofka ku kaca kufsiga, gudatana waajibaadka ka saaran xakamaynta iyo ka hortaga aafada kufsiga.

3.    In Hay’adaha sharcigu sida, Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, ay ka waantoobaan kiisaska kufsiga ee maxkamadaha soo gala in lagu xaliyo xeer dhaqan.

4.      In maxkamaduhu ay dabaqaan  xeerka ciqaabta ee u yaala kufsiga.

5.  In golayaasha sharci dejintu ay soo saaraan xeer lagu xakamaynayo in kufsiga lagu dhameeyo xeer dhaqameedka.

6. In warbaahintu si mug leh uga qayb qaadato wacyi gelinta bulshada ka hortaga iyo joojinta kufsiga.

7.  In culimadu hormood ka noqoto xakamaynta iyo joojinta aafada qaran ee kufsiga, goob kasta iyo goor walba.

8.      Waalidiinta waxaanu ku boorinaynaa inay xil adag iska saaraan masuuliyada caruurtooda, si aan loogula kicin, isla markaasna aanay garab ku siin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
4/19/2013 9:57 AM EST
Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) Ururka samafalka qurbajoogta Soomaaliyeed ee SDSI ayaa maanta kormeeray goobo kala duwan oo uu kamid yahay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyagoona sidoo kale kaalmo lacageed gudoonsiiyay bukaanada ku jira isbitalka.

4/19/2013 8:00 AM EST
Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Jaaliydda reer Hiiraan ee ku nool Waqooyiga Ameerika ayaa cambaareeyay dil fool xun oo ciidamada Itoobiya ay ka geysteen masaajid ku yaalla magaalad Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

4/19/2013 7:36 AM EST
Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Guud ahaan marka la eego dad ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa wadnaha farta uga haya fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle oo siweyn u buux dhaafiyay xilli wali gobollka Hiiraan iyo deegaannada ku dhaw dhaw ka da'ayaan roobabkii Gu'ga oo sii kordhinaya baqdinta iyo cabsida ay qabaan qoysaska ku nool magaalada Baladweyne.

4/19/2013 7:32 AM EST
Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay dad badan ku toogtay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo lix ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka saddex kalena ay dhaawacyo soo gaaray u dhinteen.

4/19/2013 7:00 AM EST
Jimce, Abriil 19, 2013 (HOL)- Qarax ayaa xalay ka dhacay meel waxyar ka durugsan saldhigga dhexe ee booliska degmada Boosaaso, xilliga uu qaraxu dhacay ayaa ahaa abbaare 9:00kii fiidnimo, waxaana jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo magaalada ka tirsan.

4/19/2013 6:57 AM EST
Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Waxaa xalay soo gaba gabowdey nedwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd ee ka socotey masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso. Nadwadan oo ah tii 11-aad waxaa sanadkan lagu qaadaa dhigay qabyaaladda iyo waxa ay diintu ka qabto.