4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
TACSI: TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. CUMAR CISMAAN RAABI

INNA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd Arbaco April 17, 2013 magaalada Qaahira, ee Dalka Masar ku geeriyooday Dr. Cumar Axmed Malow oo ku magac dheeraa Dr. Cumar Cusmaan Raabeh. 

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, halgamaa ah, oo had iyo goorba u taagnaa midnimada Soomaaliyeed, Dr. Raabeh wuxuu ahaa qoraa ummadda wacyi geliya, barbaariye iyo bare umadda bara sooyaalkeeda taariikheed- isla markaana- uga diga oo ka wacyi geliya khatarta ku soo food leh umadda mustaqbalka dhow. 


Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Eheladiisa iyo dhamaan ummad weynta Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan haka siiyo. 

Mohamed Haji
Qaahira, Masar

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Dr. Raabi

TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. CUMAR CISMAAN RAABI

Dr. Raabi Waxa Uu Ahaa Halyeey, Soomaali Oo dhan ka baxay.  Dr. Cumar Cusmaan Raabi wuxuu ku dhashay magaalada Djibouti sannadku markuu ahaa 1946kii.Wuxuuna waxbarashadiisa ku dhamaystay magaalada Jabuuti waqtiyadii Gumeysiga Farinsiisku ka talinayey.

Wuxuu ka mid noqday dhallinyaradii u adkeysan weyday hagardaamadii gumeysigu ku hayey ummadda Soomaaliyeed ee ku noolayd Xeebta Soomaaliyeed ee farnasiisku gumeysanayey.  Wuxuu ku biiray jabhadii ururkii u dagaalamayey xoraynta Djibouti oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cismaan Hufane, Cumar Shardi Buuni, Xaashi Cabdillaahi Orax, Aadan Rooble Cawaale, Xumar Cilmi Khayre iyo qaar kale oo badan oo aan la soo koobi karin. Waxa la odhan karaa waa ninka ugu caansan dadkii u soo dagaalamay xurriyada Djibouti, halgankana bilaabay isagoo aad u dhalin yar.

Dr. Raabi iyo dhallintii halganka kula jirtay, waxay aad uga soo horjeysteen Digoolkii Faransiiska iyo qorshayaashii la rabay Djibouti in laga bedelo magaca Soomaaliyeed ee ahaa ” Dhulka Soomaaliyeed ee Faransiisku gumaysto.”( French Soomaliland). 1968 Dr. Cumer iyo laba  dhalinyarda gobanimo-doonka ka mid ahaa ayaa la qabtay oo xabsiga la taxaabay, laguna eedeeyey in ay ka dambeeyeen isku day lagu dilyey Cali Caarif Burhaan oo ahaa Raiisul Wasaarihii Djibouti. Saddexdoodaba maxakamad la geeyey waxa ay ku xukuntay laba ka mid ah xabsi daayim Dr. Raabina Dil. hase yeeshee markii dambe  Jeneraal Digool ayaa ugu badalay Xabsi daayim ,waxana loo qaaday jeel ku yaalay Jasiiradaha Faransiiska.

Dr Raabi todoba sanadood ayuu ku jiray jeelkaas, waxaanu Jeelkaas ka soo baxay markii rag ka mid ah jabhadii xoraynta Djibouti ay Muqdisho ku afduubeen Safiirkii Faransiisk iyagoo ummadda adduunka ogeysiinaya qiimaha uu ugu fadhiyo naftii huraha Dr. Cumar, natiijadeedii waxay noqotay iyagoo gacan walaaltanimo oo aan la soo koobi karin ka helay madaxdii Dawladii Soomaaliyeed, taasina ay ku qasabtay Dawladii cunsiriyada ahayd ee Faransiiska  in Dr.Raabi iyo Safiirkoodii la isku waydaarsado dalka Yemen.

Dr. Raabi intii uu jeelka ku jiray waxa uu diyaariyey shahaadada PHD oo filasoof ah. Dr Raabi Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo caqiido wanaagsan oo diineed lahaa, nin aad ugu ada-adag Soomaalinimada islamarkaana aad u daneeya jiritaanka iyo difaaca qaranimada ummadda  Soomaaliyeed. Marnaba kama daalin, kamana hadhin gudaha iyo dibeddaba intii uu ku noolaa,  waxba iskama bedelin mawqifkiisa uu ku raadinayey SOOMAALI xor ah oo nabad ah. 1989 kii markii uu qoray buugga yar ee uu ugu magic daray “SOOMAALIYEEY HALKEEBAAD KU SOCTAA” wuxuu saadaaliyey Ilaahayna u aqbalay sawir cad oo uu ku muujiyey DHULBALLAARSIGA ABISIINIYA & HALKA UGU DAMBEYN AY KU SOCOTO” (eeg page 2&3) Dalka hadii uu joogo iyo intii uu qurbaha joogayba , marna kama daalin ururinta dadka Somaaliyeed iyo soo celinta jiritaankooda. waxa uu qoray dhawr buug oo qaarkood libareeriyada adduunka yaalaan waxa ka mid ah:

1-Le cercle et spirale oo la daabacay 1984.
2-La Somalie oo la daabacay1989.
3- Le etat e la Pan Somalism.
4- Somalia: The psychology of the nomad , oo la daabacay 1983.
5- The Somali Nation, Historical consideration and issues. oo la daabacay 1985.
6- Republic of Djibouti or spare tire of Ethiopia. oo la daabacay 1985.

Mudadii yarayd ee uu Ottawa degenaa wuxuu ka hirgaliyey urur ka shaqeeya midnimada ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo dhidibada u aasay Iskuulka Ibna Batuuta oo maanta ardaydii bilowday ay ku jiraan Dugsiyada sare. Ilaahayna  waxaan uga baryeynaa inuu uga dhigo SADAQATUL JAARIYA. Dr. Cumar, waa nin taariikhda ummadda Soomaaliyeed kaga jira baal dahab ah, oon adduunkan ugu talo gelin in lagu qiimeeyo, hasayeeshee u keydsaday in uu Allaah (SWT) ka abaal mariyo maalinta la baahan yahay.

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xaasakayga, ka dhammaan reer Xuseen Hadi oo dhan iyo inta qawmiyadda Soomaalinimada leh, waxaan tacsi u dirayaa Qoyska reer Cumar iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, geeridaas ku timid walaalkay Dr. Cumar Cusmaan Raabi. Waxaana aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu naxariistiisa ku janno geliyo, qabrigana uu uga dhigo Rawda min riyaadul Janna, dambiyadiisii oo dhanna uu ka cafiyo, xasanaadkiisii oo dhan uu ugu daro miisaankiisa. Aamiin.

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Dr. Raabi

Mohamed Hussein Hadi
Ottawa Canada



Faadumo Maxamed Hirmooge oo ku geeriyootay Sweden

Waxaa xalay ku geeriyootay magaalada Stockholm ee dalka Sweden Faadumo Maxamed Hirmooge oo ka tirsanaan jirtay Wakaaladdii Muuska Soomaaliyeed, isla markaana ahayd xaaskii Dr. Maxamed Cali Xirsi oo soo noqday Guddoomiyihii Bangiga Ganacsiga Soomaaliyeed. Waxaan tacsi gaarsiineynaa Qoyskeeda, Ehelladeeda iyo Asxaabteeda meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Halkan ku dhaaf Tacsida Marxuumad Faadumo Hirmooge