4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Kulan ay yeesheen Maanta ku Meel-mariyay Sharciga la dagaalanka Argagaxisada


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdihso waxay ku meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, sidoo kalena waxay kaga hadleen kulankooda ammaanka.

Shirka golaha wasiirrada ayaa waxaa guddoominayay ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana looga hadlay qodobbo badan oo muhiim ahaa, iyadoo warbixinno laga dhageystay ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii la galay safarro uu kusoo maray dalalka ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan qaarkood.

Intaas kaddib waxaa laga hadlay arrimaha ammaanka dalka, iyadoo halkaas laga sheegay in wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Golaha wasiirrada xukuuumadda Soomaaliya, waxay kulankooda maanta ku meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, kaasoo wax weyn ka bedeli doona xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Ibraahim Isaaq Yaroow oo la hadlay wariyeyaasha kulanka kaddib.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho, isagoo sheegay in go’aannada lagu gaaray shirkii maanta ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah.  

Sidoo kale, kulanka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay dib u habeyn lagu sameeyo sharciga shaqaalaha dibadda iyo shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxayaabihii shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa in dib loosoo nooleeyo bankiga ganacsiga Soomaaliya si looga faa’iideysto maadaama uusan muddo dheer shaqeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliiya