4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Xarakada Al-shabaab oo Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha Dunida ku Eedeysay Inaysan si simman ugu adeegin Bulshada Caalamka


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku eedeysay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha caalamka inaysan si simman ugu adeegin bulshada caalamka, iyadoo sheegtay inay qariyaan dhibaatooyinka dunida loogu geysto dadka muslimiinta ah, markii dhibaato loo geysto dadka aan muslimka ahaynna ay aad u qayliyaan.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in cambaareynta hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay cambaareeyeen weerarradii ay ku qaadeen xarunta maxkamadaha aysan ahayn kuwo wax soo kordhinaya.

“Innagu ma aqoonsanin wax la yiraahdo hay’ad xuquuqda insaanka, waana kuwo u adeegaya dadka aan muslimka ahayn, waxaana taas caddeyn u ah marka ay ka hadlayaan dadkii ku dhintay weerarkii Maxkamadaha, maxay uga hadli waayeen markii guryaha Muqdisho madaafiicda lagu garaacayay, taangiyada dadka la dar-darsiinayay, ilmaha saqiirrada ah la gawracayay, maydadka dadka muslimiinta ah waddooyinka ay daadsanaayeen, “ ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Sheekh Cali Dheere wuxuu hadalkiisa ku daray in qaylo-dhaanta kasoo yeertay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku salaysan tahay in wixii ay gaaladu qarashka ku bixinayeen ee ay muddo dheer soo dhoodhoobayeen ay arkayaan inay sii bur-burayaan, sidaas daraadeen ay ka qaylinayaan.

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta ay ku shaqeeyaan maxkamadaha dalka isagoo sheegay inay u weerareen sidii ay dhabarka uga jabin lahaayeen wuxuu ugu yeeray waax ay cadowgu ku leeyihiin Soomaaliya, shaqadooduna ay tahay inay dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ku dhaqaan sharciyo aan ahayn kan islaamka, ayna waajib noqotay inay tillaabo sharci ah ka qaadaan.

“Sidaad og-tihiin ciidan walba oo dagaalama oo dhaqaale iyo hub isku-keena wuxuu leeyahay ujeeddooyin uu xaqiijinayo, kuwaasoo ah inuu fikirradiisa ka dhaadhiyo shacabka, ciidanka cadawga ah ee waddankeena kusoo duulay iyo la shaqaysana ujeeddadoodu waxay tahay inay dadka ku xukumaan wax aan shareecada ALLE ahayn, goobta xukunkaas iyo shaqadaas ku fulinaayaanna waa meeshan ay maxkamadda ku magacaabeen, waana halkaas meesha aan ku duulnay si aan u duminno ujeeddadaas,” ayuu Sheekh Cali Dheere kusoo gabgabeeyay hadalkiisa.

Hadalkan kasoo yeeray afhayaanka Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay hay’adaha xuquuqda aadanaha ku tilmeemeen weerarkii xarunta garsoorka dalka lagu qaaday uu ahaa dambi dagaal, sidoo klaena ay dunida oo dhan cambaareysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya