4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka digay in muddo ka badan 48-saacadood lagu hayo Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Muqdisho


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho lagu horkeeno 48-saacadood gudahood maxkamad, iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka uu sheegay in muddadaas ka badan ciddii xabsiga ku haysa maxaabiistaas ay iyadu qaadayso mas’uuliyadda.

Hadalkan ayuu guddoomiye ku xigeenku ka sheegay kulan ay yeesheen xildhibaannada baarlamanaka, kaddib markii uu dhageystay warbixin ay soo gudbiyaan guddiga cadaaladda ee baarlamaanka.

“Warbixintii aan ka dhageysannay guddiga cadaaladda waxaa ka mid ahaa in 248 maxbuus ay ku jiraan xabsiga dhexe ee Muqdisho, kuwaasoo aan wax maxkamad ah la horkeenin; taasina waa mid aan waafaqsanayn dastuurka u yaalla dalka. Waxaan soo jeedinaynaa in maxaabiistaas muddo 48-saac ah lagu horkeeno maxkamad, ciddii intaas wax ka badan ku haysa xabsiga ayaa yeelanaysa dambi,” ayuu yiri Mahad Cawad.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka wuxuu intaas ku daray in dastuurka dalka uu qabo inaan muwaadin Soomaaliyeed lagu hayn karin xabsi muddo 48-saacadood ka badan isagoo aanay maxkamadi xukumin.

“Innagu waxaan nahay ilaaliyeyaasha sharciga, mas’uuliyad ayaana naga saaran inaan sheego wixii ka horimaanaya dastuurka dalka,” ayuu Mahad ku daray hadalkiisa, isagoo ahaa shir-guddoonkii kulankii baarlamaanka ay maanta xildhibaannadu ku yeesheen Muqdisho.

Xildhibaannada baarlamaanka ee ayaa waxay kulankoodii maanta oo ahaa kii 17-aad ee ay yeeshaan kaga doodeen qodobbo ku saabsan ammaanka iyo cadaaladda, iyadoo maalmahanna la dhageysanayay warbixinno ay soo gudbinayeen guddiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca xukuumadda oo ku saabsan amarkan ku saabsan inaan maxaabiista lagu hayn karin xabsiga dhexe muddo 48-aad ka badan, iyadoo amarkan uu noqonay kii ugu horreeyay oo uu baarlamaanku u jeediyo hay’adaha maamula xabsiga Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya