4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2013
Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo eedeyn u jeediyay Guddiga Doorashooyinka Maamulka Puntland

Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada ee Puntland, lagana soo doorto gobolka Sool, ayaa eedeyn dusha uga tuuray guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Aadan Xaaji Xuseen ayaa shir uu maanta war-baahinta ugu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, wuxuu ka sheegay in aan si sharci ah lagu soo xulin xubnaha guddiga doorashooyinka u metelaya gobolka Sool.

Wuxuuna tilmaamay in aan si siman degmooyinka gobolka loogu qaybin xubnaha gobolkaas u meteli doona guddiga doorashooyinka, iyadoo sida uu sheegay ay dhamaantooda kasoo jeedaan hal degmo oo ah Taleex.

“Anigoo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland waxaan si cad u qeexayaa in guddigu uu qaaday talaabo aan cadaalad ku saleysneyn, arintaasina ma ahan mid ay aqabli karaan dadka ku dhaqan degmada la iga soo doortay ee Laas-caanood” xildhibaan Aadan Xaaji Ayaa yiri.

Dhinaca kale, C/risaaq Axmed Shoole oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka ee Puntland oo isna isla maanta la hadlay mid kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee ka howl gala gudaha Puntland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loosoo jeediyey.

Wuxuuna ku adkeystay in shaqada guddigu ay tahay mid hufan, islamarkaana aysan marna ka suurtoobi Karin in ay tallaabooyin khaldan qaadaan, haseyeeshee ay cabashadu bannaan tahay, cid kasta oo wax tabaneysnaa ay qancin doonaan.

“Guddiga doorashooyinka howshoodu si hufan ayey ugu socotaa, kitaab ayey ku dhaarteen, sidaas darteen kama suurowdo inay wax isdaba maryeeyaan, xildhibaanka cabashada uu jeediyeyna ma ahan mid horay guddiga loosoo gaarsiiyey,” C/risaaq Shoole ayaa sidaas yiri.

Arintan ayaa kusoo aadeysa dhowr maalmood kaddib markii la shaaciyey wakhtiga ay qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland – oo ah tii ugu horeysey ee noocaada ah- taasoo la sheegay in ay dhaceyso soddonka bisha soo socota ee Juun.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya