4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga oo Rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya iyo Somaaliland ay Mar kale Dib u Midoobaan
f2010ed7c844ca1c1d0f6a70670068ba.jpg
Arbaco, April 17, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan oo dalkiisu marti-galiyay wadahadalladii dhawaan dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Soomaaliland, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa niyad sami ka muujiyay wadahadalladaas.

“Waxaan ku rajo waynahay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay dib u midoobaan,” ayuu yiri Erdogan sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee Associated Press.

Waxaana wadahadalladan oo lagu qabtay Turkiga uu is afgarad diblamaasiyadeed ku dhex maray hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyadoo wadahadalladan ay soo bilowdeen xilligii uu waddanka ka talinayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in Soomaaliland ay tahay gobol kamid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona ogolaan doono inay kamid noqdaan dawladaha federaalka ah ee dalku uu yeelanayo, halka Soomaaliland oo aan wali helin ictiraaf caalami ah, balse uu ka jiro maamul dimuqraadi ah iyo nabad buuxda ay wali ku dhagantahay in Soomaaliya ay ka madax bannaantahay.

Ilaa iyo hadda Soomaaliland wax jawaab ah kama bixin hadalka Erdogan oo si cad u sheegay inuu door bidayo in wadahadallada ay kasoo baxaan natiijo wanaagsan oo Soomaaliya markale midnimadeedii u soo celinaysa.

Waxaana Soomaaliland ay gooni isu taagga ku dhawaaqday 1991-kii xilligaas oo ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Dalka Turkiga ayaa xiriir aad u wanaagsan u kala dhexeeyaa Soomaaliya, Iyadoo ra'iisul wasaare Erdogan uu noqday masuulkii ugu sarreeyay ee Soomaaliya booqda, tan iyo markii uu dalku burnuray, taasoo irridaha u furtay in Muqdisho ay ku qulqulaan wufuud caalami ah oo heer walba leh.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya