4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Amar ku bixiyay in la Adkeeyo Amniga Hay'adaha Gasroorka Dalka iyo kuwa Dowladda

Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay adkeynta ammaanka xarumaha garsoorka dalka, iyadoo madaxweynaha uu sidoo kale ku adkeeyay saraakiisha amniga in baaritaannada weerarkii Axaddii laga soo saaro natiijo lagu qanci karo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay in la adkeynayo ammaanka xarumaha dowladda oo dhan, gaar ahaan kuwa ay ku shaqeeyaan garsoorka dalka.

“Waxaan garowsannahay walaaca iyo cabsida mas’uuliyiinta maxkamadaha iyo shaqaalaha kale ee dowladda, sidaasi darteed waxaan ballan-qaadayaa in la sugi doono ammaanka dhammaan xarumaha dowladda,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh warsaxaafadeedka uu soo saaray.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan khataro ka imaanaya dhinaca Al-shabaab kaddib markii ay kasoo baxeen furimihii dagaalka ayna billaabeen inay ku dhex-dhuuntaan shacabka si ay u waxyeelleeyaan amniga dalka.

“AMISOM waxaan ka codsanaynaa inay sii laba-jibbaaraan taageeradooda, waxaana innaguna sameyn doonnaa isbedel weyn,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay inay xoogga saarayaan sugidda ammaanka hay’adaha dowladda.

Weerarkii ka dhacay Axaddii xarunta hay’adaha garsoorka dalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30-qof, kuwaasoo ay ku jireen garsoorayaal halkaas ku sugnaa, waxanaa mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab oo ku fasirtay mid ay ku fashilisay awoodda dowladda.

“Saraakiisha laamaha amniga waxaa laga rabaa inay natiijo rasmi ah kasoo saaraan dadaallada ay wadaan ee ku aadan baaritaannada weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamadaha, waana inay la yimaadaan tallaabooyin lagu adkeeynayo amniga xarumahaas si looga hortago weeraro kale oo halkaas laga fuliyo,” ayuu madaxweyhuhu warkiisa ku yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay mar kale ku hanjabtay inay weerarro ku qaadi doonto xarumaha dowladda si ay u fashisho ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya