4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Mid ka mid ah Bankiyada ugu Waaweyn ee dalka Mareykanka oo sheegay inuu la shaqeynayo Xawaaladda Dahab-shiil (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Inkastoo ay wali qaar badan oo ka mid ah xawaaladaha Soomaalidu ay la daala dhacayaan xayiraadii ay bangiyada Mareykanku ku soo rogeen sanad ka hor, hadana US Bank oo ka mid ah banaanka waaweyn ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa ku dhawaaqay in uu la shaqeynayo, islamarkaana uu  koonto (Account) u furayo xawaalada Dahab-shiil, oo ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha dira.

Maxamed Nuur “Saadiq”, oo ah madaxa xawaaladdaasi ee gobolka Minnesota, ayaa HOL u sheegay in US Bank uu shalay u soo diray warqad uu ku wargelinayo in uu la bilaabayo wada-shaqeyn, islamarkaasna uu koontooyin xisaabeed u furayo.

“Waxaa jiray wada-hadal inaga iyo bangigaan inoo socday muddo dheer. Tanina waa natiijadii ka soo baxday wada-hadaladaasi, waxaana ay inoo sheegaan in ay diyaar u yihiin in ay wada-shaqeyn nala sameynayaan,”ayuu yiri madaxa xawaalada Dahab-shiil Maxamed Nuur “Saadiq”.

Xirsi Suleymaan, oo madax ka ah urur ay ku mideysan yihiin xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeeya Mareykanka oo lagu magacaabo SAMSA, ayaa isaguna HOL u sheegay in ay soo dhaweynayeen go’aanka uu qaatay US Bank, ee uu macaamilka wada-shaqeyneed kula sameeyo Dahab-shiil.

“Si aad iyo aad ah ayaan u soo dhaweynaynaa go’aankaan uu qaatay US Bank, waxaana sidoo kale banaanka kale ee Mareykanka laga leeyahay ku dhiiragelinaynaa in ay ku deydaan, oo ay iyaguna sidoo kale xawaaladaha la shaqo bilaabaan,” ayuu yiri.

Sanad ka hor markii bangigii ugu dambeeyey oo lagu magacaabi jiray Franklin Bank, uu ku dhawaaqay in uu joojinayo macaamilkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida, islamarkaana uu xiray guud ahaan xisaabadkii iyo koontooyinkii ay ku lahaayeen, ayaa ururrada ka shaqeeya arrimaha bulshada, iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota, waxaa ay bilaabeen dibed-baxyo ay cadaadis ku saarayaan banaanku in ay dib uga laabtaan go’aanka ay qaateen, taa baddelkeedana ay la shaqeeyaan xawaaladaha.

Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse, oo ah abaabule shaqaale oo ka tirsan urur u dooda xaquuqda shaqaalaha Mareykanka, islamarkaana tan iyo bilowgii ammuurtaan dhowr mar hogaamiyey dibed-baxyo lagu hor-sameeyey xaafiisyada ay Minnesota ku leeyihiin qaar ka mid ah banaanka waaweyn ee Mareykanka, sida Wells Fargo iyo US Bank, ayaa sheegay in ay tani ay tahay guul ka dhalatay dadaal ay si wadajir ah u sameeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota iyo ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada.

“Waxaa dhalatay guul ay si wadajir ah u sameeyeen ururka SEIU (Service International Employee Union) iyo dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, oo cadaadis kama dambeys ah saaray banaanka waaweyn ee Mareykanka, taasi oo ugu dambeytii khasab ka dhigtay in US BANK uu la shaqo bilaabo mid ka mid ah xawaaladaha Soomaalida,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Muuse, isagoo sidoo kalena ugu baaqay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, in ay la shaqeeyaan US Bank, islamarkaana ay dhaqaalahooda kala baxaan bangiyada kale oo uu ku dhaliilay “in ay ka dhaga fureysteen dalabaadkooda.”

Soomaalida ku dhaqan dalalka debadda ayaa sanad waliba waxaa ay lacag fara badan dib ugu diraan qoysaska iyo qaraabadoodi ay kaga soo tageen gudaha Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya nidaamka xawaaladaha oo ah kan ugu sahlan ee ay isticmaalikaraan, waxaana taasi  ay khasab ka dhigtay in ay xawaaladuhu noqdaan mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee Soomaaliya leedahay.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected] 
Minneapolis, Minnesota