4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia oo la kulmay Wasiirka Amniga Dalka Kanada (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Xildhibaan Cali-nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya isla markaas muddo dheer ku noolaa magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa Talaaladii shalay kulan la yeeshay wasiirka amniga dalka Kanada, Vic Toews.

Kulankan ayaa waxaa wasiirkua ku wehlinayay xildhibaan, Tep Optiz oo ah mudane laga soo doorto magaalada Toronto, gaar ahaan xaafadda ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida deggen magaaladaas.

Xildhibaanka iyo wasiirka ayaa waxay kulankooda kaga hadleen sidii Kanada ay gacan uga geysan lahayd amni-xumida maanta ka jirta dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa dhankiisa muujiyay sida ay dowladda Kanada uga go'an tahay inay caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Mudane Boodaaye ayaa wasiirka u sheegay in la joogo waqtigii ay dowladda Kanada ay kaalmo buuxda siin lahaayeen Soomaaliya oo muddo ka badan 22-sano ku jiray dagaal sokeeye.

Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 200,000 oo qof, kuwaasoo galay dalkaas billowgii dagaalladii sokeeye ee ka qarxay dalka Soomaaliya.

Kulanka xildhibaanka iyo wasiirka amniga Kanada ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo la sheegayo in qaraxyadii ka dhacay Muqdisho Axaddii lasoo dhaafay uu ku jiray wiil la sheegay inuu ka yimid magaalada Toronto kuna biiray Al-shabaab, wiilkaas oo magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Dhoore, ahaana arday wax ka bartay jaamacadda York ee magaalada Toronto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya