4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Turkiga oo sheegay in hay'adahadoodu ay kasii shaqeyn doonaan Soomaaliya kaddib Qarax lala beegsaday Shaqaalahooda

Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii socon doonaan howlaha gargaar ee ay kawaddo Soomaaliya kaddib markii Axaddii lasoo dhaafay lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay samafalayaal Turki ah oo ka tisranaa hay’adda bisha Case e Turkiga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in hay’adaha samafalka ee Turkiga ay howlahooda gargaarka kasii wadayaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalaheeda ka tirsan ha’yada bisha cas e Turkiga oo loo yaqaan KIZILAY ay dhaawacyo kasoo gaareen qarax lala beegsaday gaarigooda oo marayay jidka taga garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo laba ka mid ah ay sheegtay in lagu sameeyay qalliino, halka mid kalena aanu qalliin u baahan.

Inkastoo talyaha saldhigga booliiska degmada Waaberi oo goobta kula hadlay warbaahinta uu sheegay in laba Turki ah ay ku dhinteen weerarkaas ismiidaaminta ahaa ayaa haddana dowladda Turkiga waxay beenisay inuusan weerarkaas dhimasho kasoo gaarin.

Saddexda shaqaalaha Turkiga ah ee ku dhaawacmay weerarkaas ayaa waxay kala ahaayeen: Kenan Kongur, Murat Demirbaş iyo Fatih Çelik, waxanaa mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaantay inuu yahay farriin ay u dirayaan ajnabiga ku sugan Soomaaliya.

“Dhaawacyada soo gaaray muwaadiniinteenna ma ahan mid aad u culus, xaaladdooda caafimaad waa wanaagsan tahay, waxaana loosoo duuliyay dalka Ankara, halkaasoo lagu daweynayo. Ma jiro hadda wax walaac ah oo aan ka qabno caafimaadkooda,” ayuu yiri raiiisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Baker Buzdag.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo la hadlayay samafalayaasha Turkiga ah ee ku sugan Muqdisho ayaa ku boorriyay inay sii wadaan howlaha ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inaysan waxba u dhimayn dhibaatooyinka ay waddo Al-shabaab.

Hay’ado fara badan oo Turki ah ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo ka shaqeeya dhinacayada caafimaadka, waxbarashada, dhismaha waddooyinka iyo dhismayaasha dowladda iyo kuwo caawiya barakacayaasha, kuwaasoo dalka yimid laba sano ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya