4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa Muqdisho kula Kulmay Wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Midowga Yurub ka socday oo uu hoggaaminayay agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Midowga Yurub, Francesca Mosca.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso iyo xubno ka socday Belgium. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ra’iisul wasaare Saacid iyo agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ururka Midowga Yurub, Mosca.

“Aniga iyo wadiga waxaan kawada hadalnay arrimaha dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, xasilinta gobollada iyo horumarinta dalka iyo waliba dib-u-dhiska hay’adaha maamulka maaliyada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Saacid, oo intas ku daray in dawladdu ay dhaqan-gelisay sidii nidaam hufan oo maaliyadeed loo sameyn lahaa, ayna ka codsadeen inay Midowga Yurub gacan ka geysto gundhigga arrintan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dhawaan ay la siixan doonaan Midowga Yurub heshiis iskaashi iyo mid horumarineed kuwaasoo loo yaqaan -Cotonou agreement, wuxuuna xusay in heshiiskan uu faa’iido u leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageeri doono horumarinta dhismaha hay’adaha dowladda iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale, agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Midowga Yurub; Francesca Mosca ayaa ugu horreyntii ka tacsiyadeysay xasuuqii argagixisada ee 14-kii bishan ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir oo Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadooda.

“Wadahadalladeennu waxay ahaayeen kuwo miro-dhal ah, waxaana halkaan ka caddeynayaa in Midowga Yurub uu taageero buuxda la garab-taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayay tiri agaasimaha waxayna dhanka kale xustay inay taageero buuxda u hayaan howlgalka AMISOM kuna taageerayaan dhaqaale.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Midowga Yurub ay yimaadaan Soomaaliya, iyadoo tan iyo sannadkii hore ay Muqdisho si isdaba-joog ah u soo gaarayeen wufuduud ka socda caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya