4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
WASIIR DUUR: “Qof walba ha ogaado inuu yahay Askari, Nabaddeenuna ay ku tiirsan tahay shacbiga Somaliland oo dhan”

Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa maanta cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo Magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Sidaas waxa uu maanta ka sheegay Wasiirka arrimaha gudaha oo ah gudoomiyaha guddi dhowaan madaxweynuhu u magacaabay diyaarinta munaasibadda 18 May oo ka hadlayey qaabka ay u diyaarinayaan xuska, waxaanu sheegay inay si fiican u wadaan hawshooda, isla markaana sanadkan si weyn loogu dabaaldegi doono sanad guuradda 18 May.

Waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay nabadgalyadda ilaashadaan, isla markaana u diyaar garoowaan xuska sanadguurada maalinta madax banaanidda Somaliland.

“Shacbigayaga oo Nabad-gelyada tiir weyn u ah waxaanu leenahay dabaal dega iyo farxadda munaasibadda 18-ka May ha idiinla socoto taxadir iyo feejignaan, waana in qof waliba ogaado inuu masuul ka yahay Nabad-gelyada sidii ay horeba uga ahaayeen.”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Guduhu oo ka hadlaya sidii Amniga loo adkayn lahaa, waxaanu intaas ku daray “Qof waliba ha ogaado inuu yahay askari, nabadeena saldhigeeduna ay tahay mid shacbiga ku tiirsan,”.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu cambaareeyey qaraxii ka dhacay magaaladda Muqdisho, waxaanu yidhi  “Waxaanu cambaareynaa fal kasta meel kasta oo uu adduunyada ka dhaco, kii Muqdisho ka dhacay ayaanu cambaareynaynaa, kii Magaalada Boston ee Maraykanka ka dhacay ayaanu cambaareynaynaa, taasi waxay muujinaysaa in colaada argagixisadu ay tahay runtii mid baahsan,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu,

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland