4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay safiirka Nederland iyo Sweden u fariisan doona Dalka Soomaaliya

Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyay wafdi ka socday dalalka Holland iyo Sweden si uu uga guddoomo warqadaha aqoonsinga danjirenimo.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo danjireyayaasha ka socday Midowga Yurub ayaa waxaa ku wehliyay madaxweynaha, ra’iiisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Danjireyaasha ayaa waxay kala ahaayeen, Mikael Lindvall oo ah danjiraha Sweden ee Soomaaliya iyo Joost Reintjes oo noqonaya danjiraha Holland ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjirayaashan cusub uga warbixiyay xaaladaha amni, dhaqaale, cadaaladda iyo dib-u-habeynta ku socota dowladda qeybaheeda kala duwan. Waxaa kale uu uga warbixiyay lixda tiir siyaasadeed ee ay ku shaqeynayso dowladda Soomaaliya, isagoo ku boorriyay safiirrada cusub in ay ka qeyb-qaatan taageeridda siyaasadeed dowladda.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan idin ku soo dhaweeyo Soomaaliya. Tallaabadan waxay muujjineysaa horumarka la gaaray iyo sida ay uga go’an tahay beesha caalamka inay taageerto dowladda Soomaaliya.”

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay idiin tahay saaxiib dhab ah. Waxaana ka go’an inay sare u qaaddo xiriirka siyaasadeed ee ay la leedahay dalalka Nederland iyo Sweden.”

Danjiraha cusub ee Sweden u joogi doona Soomaaliya, Lindvall oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo safiirka Sweden ee Soomaaliya, isagoo xusay in dalkiisu u gacan ka geysan doono dib u dhiska Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Sweden waxaan aad uga tacsiyadeeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarradii Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana cambaareynayaa argagxisdii geystay falalkaas foosha xun,” ayuu yiri Lindvall.

Safiirradan ayaa waxay ka mid noqonayaa safiirro ka socday dalal badan oo ku yaalla caalamka oo tan iyo markii lasoo dhisay xukuumaddan cusub soo gaarayay Muqdisho si ay warqadahooda aqoonsiga ugu gudbiyaan dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya