4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan Xilka Madaxweyne ee Jubbaland


Talaado, 16 April, 2013 (HOL) :- Xildhibaan Max’uud Cali Magan oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu u taaganyahay xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee uu dhismaheeda ka socdo degmada Kismaayo.

Munaasabad si heersare loo soo agaasimay islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen salaadiin, nabadoonno, aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka dhacday hotel Waamo ee magaalada Kismaayo ayuu xildhibaanku sheegay in uu doonayo in uu u istaago doorashada madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, taasoo la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Khudbad dheer oo uu xildhibaanku ka jeediyay shirka ayuu ku sheegay in hadii loo doorto hogaanka Jubbaland uu diirada saari doono sidii uu wax ugu qaban lahaa shacabka reer Jubbaland.

“Hadii la ii doorto hogaanka Jubbaland, waxaan ku shaqeyn doonaa afar qodob oo ku xusan war murtiyeed aan soo saaray oo ay kamid yihiin Amniga,Midnimada Cadaaladda iyo  Horumarka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in hadii loo doorto madaxweeynaha Jubbaland uu ka shaqeyn doono sidii uu u hormarin lahaa deegaanada Jubbaland, wuxuuna xusay in uu kasoo shaqeeyay dalal badan oo caalamka ah islamarkaasina uu xirfad dheer u leeyahay dhinaca siyaasadda iyo maamul wanaagga.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay salaadiin, nabadoonno iyo waxgarad kale, waxayna dhamaantooda si isku mid ah u taageeraan musharaxa cusub, iyagoona ku dhiirigeliyay in uu sii wado dadaalka uu ugu jiro hanashada xilka madaxweeynimo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Maalmihii u danbeeyay waxa isa soo tarayay musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana xusid mudan in ilaa imika ay isa soo sharaxeen ku dhawaad afar musharax oo qaar kamid ah ay yihiin qurba joog kasoo jeeda Jubooyinka, kuwaasoo dhamaantooda doonaya in ay qabtaan xilka madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee la filayo in laga yaqleelo Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya