4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Ururka Saxaafadda Somaliland oo Magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Anshaxa Marinta Saxaafadda Somaliland

Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha ururka Saxaafadda Somaliland (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa magacaabay guddi anshax-marinta saxaafadda ah, kuwaasoo ah qaar madax-banaan.

“Kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA taariikhdu markay ahayd 07/03/2013, waxa ay si ballaadhan uga doodeen, una falanqeeyeen abuuritaanka Guddiga Anshaxa ee Saxaafadda oo baahi weyn loo qabo, si Saxaafadda iyo Suxufiyiintu uga badbaadaan, in lagu dhaqo xeerar cusub oo uu ka mid yahay Xeerka nabad sugidda Qaranka oo qodobo ka mid ah lagaga xusay Warbaahinta, isla markaana loo helo Guddi Anshax oo dhexdhexaad, kana garsoorta Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka soo baxay ururka SOLJA.

“Haddaba Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiintu markay falanqeeyeen, kana doodeen arrinta abuuritaanka Guddigaasi, isla markaana dhegeysteen waxgaradka, aqoonyahannada iyo Ururrada bulshada, iyadoo la raacayo Xeerka Ururka Saxafadda Somaliland SOLJA Qodobkiisa 6aad, Waaxda 5aad waxay isla qaateen oo ay go’aamiyeen in la magacaabo guddi anshax marin oo ciddi gafta la anshax mariyo,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxafadeedka.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa waxay kaa yihiin:

1. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)

2. Ismaaciil Cumar Aadan Boos

3. Daahir Maxamuud Xaddi

4. Shugri Xariir Ismaaciil

5. Faysal Keyse Cumar

La taliyaha Sharci: Aadan Xaaji Cali

Waxaan ku rajo-weynahay in abuuritaanka Guddigani uu bogsiin doono tabashooyin badan oo u dhaxeeyey had iyo goor Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha, iyadoo ay Guddigani soo saari doonaan shuruucdii garsoor oo waafaqsan Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda ee Lam. 27/2004, iyadoo ay Guddigani yihiin kuwo si madaxbannaani ah u gudan doona hawlahooda.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland